Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo kulan Ballaadhan La Qaatay Ganacsatada Gobolka Sanaag

0
Thursday December 11, 2025 - 17:09:17 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo kulan Ballaadhan La Qaatay Ganacsatada Gobolka Sanaag

    Kulanka wasiirka waxa ku wehelinayey Isuduwaha Wasaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka wasiirka waxa ku wehelinayey Isuduwaha Wasaaradda


Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland oo maalintii saddexaad safar shaqo ku jooga magaalada Ceerigaabo ayaa maanta kulan ballaadhan la qaatay ganacsatada gobolka Sanaag.

Kulanka wasiirka waxa ku wehelinayey Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Sanaag, Axmed Saalax Maxamed, iyo qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda. Ugu horrayn, Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka warbixiyey ujeeddada kulankan iyo muhiimadda uu leeyahay.


Dhankooda, ganacsatada gobolka ayaa wafdiga uga warbixiyey baahiyaha jira iyo caqabadaha ku gadaaman ganacsiga gobolka.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa uga mahadceliyey ganacsatada gobolka taageerada ay mar walba u muujiyaan bulshada, gaar ahaan kaalmada ay ka geystaan abaarihii dalka ka jiray.
Loading...
Loading...