Soomaalidu in la maamulo ayey ku fiican yihiin…W/Q Barkhad-ladiif M. Cumar

0
Wednesday March 13, 2019 - 17:24:15 in Articles by
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidu in la maamulo ayey ku fiican yihiin…W/Q Barkhad-ladiif M. Cumar

    Soomaalidu in la maamulo ayey ku fiican yihiin…W/Q Barkhad-ladiif M. Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu in la maamulo ayey ku fiican yihiin…W/Q Barkhad-ladiif M. Cumar

Soomaalidu waa tallo qaate ee tallo keennayaal maaha, soomaalidu waa dad la hogaamiyo ee dad wax hogaamin kara maaha, soomaalidu waxa ay soo minguuriyaan mooyee wax ma curiyaan, haddii aad doodaasi igu diidan tahay ma sheegi kartaa wax ay sameeyeen oo dalalka jaarku kaga daydeen ama caalam kale u gudbay, imisa aragtiyood ayaad garanaysaa soomaalidu ka soo xaday dalalka ay tageen oo dalkooddii ka hirgaliyeen.




Si aad igu markhaati furtid waxaan hortaada keeni doonaa tusaalooyin marag u ah in soomaalida lagu guuro oo cidii dan lihi adeegsato.


Culimadeenna cid diinta ka taqaanaa ma jirto hadana waxay u dabran yihiin culimadda carabta joogtaa, wali maad aragtay wadaad soomaali ah oo buug ka qoray aqoonta diinta uu u leeyahay, wali ma aragtay wadaad qaraar diinnaya ka soo saaraya xaalad taagan, balse intaasba carabta waad ka helaysa, wadaadka masar, ama sucuudiga ama Suudaan buugaag waaweyn buu leeyahay oo la odhanaya waa kutubtii hebel, waxay go’aamo diinnaya ka soo saaraan hadba waxa taagan ee dadka tushuush galin kara, balse wadaadkeenu cabsi uun baa ku jirta, waxaana laga yaabaa inuu isagu ka aqoon badan yahay wadaadkaasi Carabka ah.


Xaga aqoonyahanka maadiga aan eegno iyagana:


Wali maad aragtay Aqoonyahan xafiis loo dhiibay ama xil loo dhiibay oo wasaaradda ku dabaqaya wixii uu soo bartay ama ku soo shaqeeyey, laakiin hadii uu gaal xukumayo qodob ma jabinayo waayo wuu sharfayaa, haddii eray ingiriisa ah uu kaa khaldamo wuu kula yaabayaa waayo agtiisa ceeb weyn bay ka tahay, balse hadii uu afkiisa soomaaliga ah la khaldo waa caadi wax weyn uma arko waayo gaalkaan ku odhan waa wax weyn.


imisaad aragtay aqoonyahan UN, EU, NGO caalami ah ka soo shaqeeyey balse markii uu dalkiisa yimid ee loo dhiibay xil dawladeed ku fashilmay, sababtu waa maxay ?.


xafiiska Hay’addu qorshe la raaco ayey leedahay maalintiina shaqo maalinle ah oo xisaabi daba socoto ayuu leeyahay xafiisku, nasiib daro nidaamkaasi wanaagsan halkii uu dalkiisa uga faa’iidayn lahaa ee ay ka muuqan lahayd xafiiskiisa ayuuba intii jirtay uga sii darayaa oo uu maqluub ka dhigaya xafiiskii iyo wax uu isagu leeyahay, ninkuba ninkii maaha.


bal hal qof sheeg oo dalalka horumaray ka soo shaqeeyey ama hay’adaha caalamiga oo meeshii loo dhiibay wax ka dhigay amaba u yara dhoweeyey meeshii uu ka yimid, ma jirto mana soo heli kartid, wuxuu u haystaa in shaqadaasi uu gaalkaasi lahaa balse kan uu u madax banaan yahay, marka miyeyna ahayn gaalka uun buu ka baqayee wax hagaaji ismuu lahayn, waayo bariiskiisa uun baa ka gallay, aqoonyahanka Soomaalidu waa caynkaasi.


Haddaba, wadankeena cid walba waa lagu soo tijaabiyey oo aqoonyahan waa la soo tijaabiyey oo way ku fashilmeen, odayaal waa loo dhiibay way ku fashilmeen, wadaado waa la soo tijaabiyey, dhalinyaro waa loo dhiibo way ku fashilmeen, haweena labaddii sanadood ee Xirsi ka maqnaa dalka ayey maamulayeen oo way ku fashilmeen, hadaba yaa hadhay.


Waxa hadhay oo qudha dadka miyiga ku nool ee xoolo dhaqata ah, kuwaas iyana mar ha lagu eego inay kuwii hore dhaami doonaan baan filayaa, waayo konton sanno oo waali ah oo dawlad xumo ah ayey ku jirnay..

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...