Tashi Lagama Maarmo,Tusmada Qaranka Weeyaan,Talose Waa La Ruuga.Aye,Tafwareemad Yay Noqon.
Taabashadiyo Aragtidu,Tamaro Maah Dheeraada,
Tilmaan Waxad URaacde,Tahan Aad Ka Garataa,
Tayada Iyo Aqoonta Ah,Qarana Taabo Gelin Kara,
Tol Haddii U Tolan Yahay,Tolaay Baan La Wayayn.
Tu Kastaba Ha Qaadane,Tabta Turub U Baandhe,
Tuur Taadan Doonayn,Togan Qaado Loo Boggo,
Talanyaanu Kaa Gelin,Talaabada Aad Qaadaan,
Toos Waa Inaad U Fulisaan,Tiicna Laga Ilashaa.
Tuur Iyo Tarbiicaba,Tamartiinuun Meel Mariya,
Tuhunkuna Sad Weeyee,Tawsyaan Laga Garan,
Tunka Iyo Afkaba Taag,Tafta Bodhka Ka Ogow,
Taran Ma Leh Aduuyaduye,Aakhiro U Tooghay.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





