Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Doork Dalalka Gobalka

0
Thursday August 01, 2019 - 16:52:18 in News by
  • Visits: 4090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Doork Dalalka Gobalka

    Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Doork Dalalka Gobalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Doork Dalalka Gobalka


Hargeysa(HWN):-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageersantahay wada hadal dhisan oo dhex mara Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay taageerayso talaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida u dhaxaysa labada dawladood.




Xildhibaan Michael Ancramoo ka tirsan Baarlamaanka Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda iyo dalalka barwaaqo sooranka Ingiriiska Ahmad of Wimbledon, wuxuu toddobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska ku weydiiyay doorka uu Ingiriisku kaga jiro sidii dib loogu furi lahaa wada hadal lagu dhisayo kalsoonida Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Wasiir Ahmad Wimbledon ku jawaabay 

"Ingiriisku wuxuu soo dhawaynayaa talaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida maamulada Hargeysa iyo Muqdisho, waana u diyaar inuu taageero geedi socodka wada hadal dhisan. Ingiriisku wuxuu weli qabaa inay Somaliland iyo Soomaaliya u taalo inay ku heshiiyaan qorsheyaal kasta oo cusub, waxaanay u taalaa wadamada jaarka ee gobalka inay horseed ka noqdaan aqoonsigooda. Masuuliyiinta Ingiriisku waxay ku biireen tiro kale oo saaxiibada caalamiga ah iyo xubno ka kala socday Muqdisho iyo Hargeysa oo dhawaan kulan aan toos ahayn ay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue ugu qabatay Nayrobi bishii June, kaas oo uu ujeedadiisu ahayd in lagu dhiirigeliyo hore u socod.




Xigasho:-Wargeyska Geeska Afrika
Loading...
Loading...