Dhismaha Wadada Oodweyne ka Qeyb Qaado Muwaadin.

0
Tuesday November 25, 2025 - 15:08:39 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismaha Wadada Oodweyne ka Qeyb Qaado Muwaadin.

    Ku: Bulshada Somaliland ee Gudaha iyo Dibaddaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku: Bulshada Somaliland ee Gudaha iyo Dibaddaba


Ka: Golaha Horumarinta Wadada Oodweyne.

Ujeeddo: Kaalmaynta iyo Taageeridda Dhismaha Wadada Oodweyne.

*Hordhac:
Wadada Oodweyne waa laf-dhabarta isku xidhka deegaanada Bariga, Galbeedka iyo Koonfurta Somaliland.


Waa marin muhiim u ah isku socodka bulshada, dhaqaalaha, suuq-geynta beeraha iyo xoolaha, isla markaana ah halbawlaha nolosha maalmeedka ee kumannaan qoys.

Dhismaha wadadan waxay ka mid tahay mashaariicda ugu mudan ee hadda u taalla qaranka, waana mid ay khuseyso Somaliland oo dhan , meel kasta oo ay dadkeedu dunida kaga sugan yihiin.

*Muhiimadda Dhismaha Wadada Oodweyne:

1-
Dhaqaale ahaan.

Wadadan waxay fureysaa suuqyo cusub, waxay kordhineysaa ganacsiga, waxayna hoos u dhigtaa kharashaadka gaadiidka. Waxaa si toos ah u kobci doona dhaqaalaha bulshada, iyada oo badeecooyinka beeraha iyo xoolaha ay si fudud oo degdeg ah ku gaadhi doonaan suuqyada gudaha iyo kuwa dibadda.

2- Isu-socodka Bulshada:

Wadadu waxay fududayn doontaa isu-socodka bulshada, xidjiidhka qoysaska, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee nolosha aas-aasiga ah.

Socdaalku wuu yaraanayaa, waqti badanna waa la badbaadinayaa.

3-
Kobcinta Beeraha:

Beeraha ku dhow labada jiho ee wadada waxay heli doonaan fursado ay ku suuq geeyaan dalagyadooda. Gaadhyaasha, qalabka beeraha iyo biyaha la miisaamo waxay u mari karaan si fudud oon caqabado lahayn.

4- Daryeelka iyo Suuq-geynta Xoolaha:

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. Wadadani waxay fureysaa marin rasmi ah oo xoolaha lagu geeyo suuqyada waaweyn, laguna qaado meelaha loo dhoofinayo. Waxay yareynaysaa dhimashada xoolaha iyo khasaaraha dhaqaale ee ka dhasha safarrada dheer.

5- Hagaajinta Nolol maalmeedka Dadka:

Qoys kasta oo ku nool degannada Oodweyne iyo nawaaxigeeda waxay ka faa’iidaysan doonaan wadadan. Waxay kordhinaysaa fursadaha shaqo, waxayna dhiirrigelinaysaa horumar bulsho oo waara.

*Waa Maxay Ujeeddada Weyn ee Qoraalkani?

Ujeeddada ugu weyn waa in la abuuro olole wadareed oo lagu dhisayo wadada Oodweyne, laguna casuumayo shacabka Somaliland , gudaha iyo dibaddaba , inay ka qayb qaataan mashruucan qaranka u dhaxaysa oo aan cid gaar ahi lahayn.

*Baaq Taageero iyo Tabarucaad:

Golaha Horumarinta Wadada Oodweyne wuxuu ugu baaqayaa bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan:

Inay ka qeyb galaan dhismaha wadadan barakeysan.

Inay bixiyaan wax kasta oo ay awoodi karaan:

Wax yar ama wax badan.

Tabarucaad joogto ah ama hal mar ah.

In la isu garab galo si wadajir loogu dhiso jidkan oo noqonaya hanti qaran oo fac ka foga.

Ma jiro tabarucaad yar.
Qof kasta waxa uu bixin karo waa qayb ka mid ah taariikh lagu faani doono.

*Qalbi-gal iyo Dhiirigelin:

Dhismaha waddadu waa dhisme mustaqbal.
Waa hadiyad aynu u reebayno caruurteena, jiilka dambe, iyo dalka aynu jecel nahay.
Taageeradaadu waxay noqon kartaa shilimaad, waxay noqon kartaa doolar, waxayna noqon kartaa duco , laakiin mid walba waxay leedahay miisaan iyo macne.

*Gunaanad:
Wadada Oodweyne waa waddo isu keenta dad, dhaqaale, mustaqbal iyo horumar.
Mashruucan waa mid aan dawlad kali ahi dhamayn karin, balse bulsho mideysan, qaran diyaarsan, iyo dad jecel dalkooda ay wada dhisi karaan.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan muwaadiniinta Somaliland:

In ay gacmaha is qabsanno. Aan taariikh dhisno.
Aan wadada Oodweyne ka dhigno xadhig isku haya qarankeena.

Qof kastaa kaalin ayuu ku leeyahay. Adiguna kaalin aad leedahay ayaa jirta.


Qalinkii: Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...