Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Digniin Uu Maraykanku Ka Soo Saaray Amniga Maamulka

0
Thursday August 01, 2019 - 14:30:11 in News by
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Digniin Uu Maraykanku Ka Soo Saaray Amniga Maamulka

    Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Digniin Uu Maraykanku Ka Soo Saaray Amniga Maamulka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Digniin Uu Maraykanku Ka Soo Saaray Amniga Maamulka


Jigjiga(HWN):-Dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa ka hadashay digniin ay dawlada maraykanku ka soo saartay xaalada amni ee deegaanka.


Maxamed Muxumed Colaad oo ah la taliyaha madaxweynaha dawlada deegaanka ee dhinaca saxaafada iyo isgaadhsiinta ayaa warbaahinta dawlada u sheegay inay ka hawl galeen sidii ay dawlada maraykanka ugu sheegi lahaayeen inaanay warbixintaasi ka turjumayn xaalada amni ee ka taagan deegaanka.




La taliyey Maxamed Muxumed Colaad oo ka hadlaya digniinta ay dawlada maraykanku soo saartay ayaa waxa uu yidhi "Maalin dhawayd hay’adda socdaalka ee waaxda arimaha dibada Maraykanku waxay soo saartay digniin ay muwaadiniinteeda uga digayso inay u socdaalaan deegaanka soomaalida, deegaano kale oo wadanka ka mid ahna ay leedahay ka fiirsada intaydaan socdaal ku tagin, arinkaasi waxa uu noqday mid la yaab ku keenay shacabka deegaanka soomaalida iyo xukuumadaba, markii aanu dib u fiirsanay digniintaasina xogta iyo faah faahinta ay ku saleeyeen go’aankooda waxa cadaatay inay ahayd mid u eeg dhibaatadii iyo carqaladihii amni ee deegaanka ka jiray sanad ka hor.”


Sidoo kale taliye Colaad waxa uu sheegay in warbixinta ay digniintu xambaarsan tahay aanay haatan ka jirin deegaanka balse ay wakhi hore ahayd waxaanu yidhi "Wakhti uu deegaankuna ku sugnaa xaalad amni oo cakiran, dhibaato badan oo ka dhan ah xuquuqal iinsaankana ay ka jireen, waxyaabaha ku xusnaa digniintaasna waxa ka mid ahaa in deegaanada Oromada iyo soomaalida ay ka jiraan colaado qoomi ah iyo dhibaato amni oo ka taagan hawl galo ciidanka milatariga federaalku ka sameeyeen kooxo hubaysan sida ONLF iyo kooxo kale oo la mid ah, marka dib loo eego xogtaasna wakhti badan ayaa laga soo wareegay taas oo dawlada federaalku ay hawl galo amni ku beegsanaysay kooxaha hubaysan, ONLF heshiis nabadeed ayey la qaateen dawlada Itoobiya, dagaalada Oromada iyo soomaalida ee xuduuduhuna way istaageen, deegaankuna waa mid aad u balaadhan oo xuduud la leh tiraba sadex wadan, hadana kamay dhicin fal argagixiso oo shacabka deegaanka ama qaybaha kale ee Itoobiya lagu beegsanayo.”


Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga deegaanku sugan yahay "Deegaan amnigiisu sugan yahay oo uu ka hirgalay isbadal xuquuqal iinsaan iyo mid siyaasi ahba laga hirgeliyey ma taalo baahi digniin noocaas ah lagu soo saari oo muuqaalkii deegaanka iyo xukuumadaba lagu khal khal galiyo, arinkaasna waan kala xaajoonay hay’addaha ay khusayso, waanan u gudbinay sida aanu uga xunahay arinkaas, waxaanan rajaynaynaa inay si rasmi ah uga jawaabaan oo ay xaqiijiyaan dariiqa kale ee arinkaas lagu sixi karo.”


Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...