Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya oo Kulan ka Yeeshay Iskaashiga Labada Dhinac

0
Monday November 24, 2025 - 10:21:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya oo Kulan ka Yeeshay Iskaashiga Labada Dhinac

    Kulanka ayey dhanka Somaliland ka soo qayb-galeen Gudoomiye ku-xigeenka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayey dhanka Somaliland ka soo qayb-galeen Gudoomiye ku-xigeenka...



Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya ayaa kulan ka yeeshay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya,kulankaas oo ka qabsoomay xarunta dalka Kenya ee Nairobi. Wefti uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeeenka koobaad ee golaha wakiilada Somaliland Md Siciid Mire Giiirre oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya,ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay xubno ka mid ah baarlamaanka Kenya.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay safaaradda Somaliland ee Kenya oo ka qabsoomay hotel-kaNairobi Serena Hotelee caasimada dalka Kenya.

Kulanka ayey dhanka Somaliland ka soo qayb-galeen Gudoomiye ku-xigeenka Koobaad ee Golaha Wakiilada JSL Siciid Mire Giirre iyo xildhibaanada Mustafe Axmed Khayreeye iyo xildhibaan Cabdkariin Meecaad. Dhanka barlamaanka dalka Kenya waxaa kulanka ka soo qayb-galay gudoomiyaha ururka Kenya-Somaliland Parlieatary Caucus, Xildhibaan Adan Xaaji Yuusuf iyo xildhibaan Faadumo Maxamed Cige. Kulanka ayay xildhibaanada Somaliland mudaneyaasah dalka Kenya si gaar ah ugaga mahad naqeen sida ay garabka ugu yihiin Somaliland.

Kulanka labada dhinac ayaa loo balamay in hawl iyo shaqo ballaadhan la qabto . Waxaana la isla qaatay in kulanka labada baarlamaan la joogteeyo isla markaana laga wada shaqeeyo arrima ay wadagaan ee ay ku midaysan yihiin(Kenya-Somaliland Parliamentary Caucus): Waxaa kale oo kulanka goob joog ka ahaa safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ee Kenya Sharma’arke Geelle


Loading...
Loading...