Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Wajiga Cusub ee Dagaalka Dawladda Xamar

0
Monday November 24, 2025 - 10:11:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 13
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Wajiga Cusub ee Dagaalka Dawladda Xamar

    Wasiirku wuxuu si toos ah eedaymo ugu jeediyey Dowladda Soomaaliya,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku wuxuu si toos ah eedaymo ugu jeediyey Dowladda Soomaaliya,...



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in qaranka Somaliland uu wajahayo weeraro cusub oo isku dhafan, kuwaas oo ka imanaya dhanka hawada, warbaahinta, iyo tiknoolojiyada casriga ah. Wasiirku wuxuu ku baaqay in weerarradan si wadajir ah looga falceliyo, loona difaaco qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa xusay in shacabka iyo dawladda ba ay waajib ku tahay difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, difaacaas oo ah mid ka tarjumaya ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda. Wasiirku wuxuu sheegay in dad badan ay dhiigooda u hureen difaaca qaranka, taas oo muujinaysa sida muhiimka ah ee loogu baahan yahay ilaalinta madax-bannaanida iyo karaamada ummadda.

Wasiirku wuxuu si toos ah eedaymo ugu jeediyey Dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay in cadaawadda iyo duulaanka qaawan ee ay maanta dawladda Muqdisho ku soo qaaday Somaliland aanu ku ekayn oo kaliya xuduudaha dhuleed, balse uu yahay dagaal ballaadhan oo dhinacyo badan leh, sida hawada, warbaahin iyo tiknoolojiyada.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ku booriyey shacabka iyo hay’adaha dalka in ay si wadajir ah uga falceliyaan ficilada gardarada iyo xadgudubka ah ee ka imanaya cadawga Somaliland. Isaga oo tilmaamay in dagaalka afka iyo borobagaandada ahi uu ka awood badan yahay dagaalka militari. Sidaa darteedna ay muhiim tahay in ummad ahaan aynu ilaalino sharafta iyo karaamada qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa uu sheegay in Somaliland ay si cad uga hadlayso arrimaheeda iyo difaaca qarankeeda, waxaanu tilmaamay in dunidu ay garawsan tahay oo ay arkayso in arrinteenu ay gar taha.

Dhinaca kale Wasiir Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa kale oo uu iftiimiayay in sharafta iyo karaamada ummadda reer Somaliland ay tahay mid qiimo weyn ku fadhida, taas oo ah xoriyad ku dhalatay dhiigga halyeyo badan oo reer Somaliland ah oo naftooda u huray. Wasiirku wuxuu ugu baaqay shacabka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta xornimada iyo difaaca qaranka, iyadoo la xoojinayo midnimada, amniga, iyo madaxbannaanida Somaliland. "Sharafta iyo karaamada aynu ummad ahaan leenahay dad baa dhiigooda u hurey. Sidoo kale dunidu ay arkaysaa in qadiyaddeena iyo waxa aynu ka hadlaynaa in ay gar yihiin,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa eedeymaha uu u jeediyey Dowladda Soomaaliya, waxa uu ku sifeeyey cadaawad iyo diidmo lid ku ah jiritaanka iyo aqoonsiga Somaliland. Hadalka wasiirka ayaa muujinaya in dagaalka siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo borobagaandadu uu noqday mid joogto ah. sidoo kale hadalka Wasiirka ayaa ah mid xambaarsanaa farriin digniin u ah bulshada, una sheegaysa in halista ugu weyn ee maanta la wajahayo aanay ahayn mid militari oo keliya, balse ay tahay mid ku wajahan maanka bulshada iyo sharaftooda qaranimo.


Loading...
Loading...