"Somaliland Awood Dhaqaale iyo Mid Istaraatiiji oo Cusub ayay Ku Yeelatay Geeska Afrika DAAWO
Warbixin cusub oo guddiga dib-u-eegista dhaqaalaha iyo amniga Mareykanka (USCC) ay u gudbiyeen Koongarayska Mareykanka ayaa iftiimisay heerka koritaanka awoodda dhaqaale ee Somaliland, muhiimaddeeda juquraafi-siyasadeed, iyo sida ay uga dhex muuqanayso tartanka sii xoogeysanaya ee Mareykanka iyo Shiinaha ee Geeska Afrika. Warbixinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay qiimaha istataariijiyadda ay Somaliland u leedahay ajandaha amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Warbixinta ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaanay saaxiib xasiloon oo lagu kalsoonaan karo, xarun istaraatiiji ah oo leh muhiimad juquraafi oo weyn. Isla markaana door muhiim ah ku leh xoojinta arrimaha amniga, ilaalinta marin-biyoodyada caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, tartanka istaraatiijiga ah ee awoodaha waaweyn ee dunida, iyo ka hortagga saamaynta iyo faragelinta gobolka ee ay Beijing ku leedahay Geeska Afrika.
Dhanka kale, warbixintu waxay xustay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee Somaliland iyo Taiwan, oo bishii July 2025 kala saxeexday heshiis iskaashi oo la xidhiidha amniga badda, taas oo si weyn uga cadheysiiyay Shiinaha. Sidoo kale warbixintan ayaa si cad u muujisay sida arrinta madax-bannaanida iyo aqoonsiga Somaliland uu miisaan siyaasadeed oo weyn ugu yeeshay gudaha Mareykanka.
Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu muhiimsan ee warbixinta dawladda Mareykanka ee la xidhiidha xaaladda Somaliland, ayay Guddidu ku sheegtay in Shiinuhu "taageeray sheegashada madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya si uu uga hortago soo ifbixidda saldhig dimuqraadi ah oo u dhow Gacanka Cadmeed iyo saldhiggiisa dalka Jabuuti.”
Warbixinta waxay si cad u sheegtay in dawladda Soomaaliya ay hadal ahaan uun u ‘sheegato Somaliland, iyadoo intaa raacisay: "Somaliland waxay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii waxayna leedahay dhaqaale ka xoog badan Soomaaliya oo deriskeeda ah.”
Sidoo kale, Guddigu wuxuu sheegay in Somaliland ay leedahay xidhiidh rasmi ah oo u dhexeeya Taiwan, wuxuuna sharraxay sida Taiwan iyo Somaliland ay u saxeexeen heshiis iskaashi oo la xidhiidha ammaanka Badda, bishii July 2025 iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska juquraafi-siyaasadeed.
Warbixinta waxay intaa ku dartay in Senator-ka Mareykanka Ted Cruz uu ku booriyay maamulka dawladda Maraykanka in uu u aqoonsado Somaliland waddan ahaan. Halka Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha ee Geeska Afrika oo u safray Muqdisho oo uu ka taageeray masuuliyiinta Soomaaliyeed inay dib u xaqiijiyaan "sheegashadooda dhulkaas” iyo inay xaddidaan fiisaha ama gelitaanka xuduudda ee la xidhiidha Taiwan.
Guddigu wuxuu ku soo gabagabeeyay qoraalkooda in Beijing ay ku cadaadisay dawladaha guud ahaan Afrika inay go’doomin saaraan Taiwan iyo Somaliland labadaba, iyadoo tilmaantay in mandaqada Geeska Afrika ay tahay goob xudun u ah tartanka istaraatiijiga ah ee Mareykanka iyo Shiinaha.


0 





