Magacyada Afar Xubnood Oo Laga Eryey Barnaamijka Shaqo Qaran Iyo Sababta Oo La Shaaciyey

0
Thursday August 01, 2019 - 14:26:53 in News by
  • Visits: 2820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Afar Xubnood Oo Laga Eryey Barnaamijka Shaqo Qaran Iyo Sababta Oo La Shaaciyey

    Magacyada Afar Xubnood Oo Laga Eryey Barnaamijka Shaqo Qaran Iyo Sababta Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Afar Xubnood Oo Laga Eryey Barnaamijka Shaqo Qaran Iyo Sababta Oo La Shaaciyey


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in barnaamijka shaqo qaran laga saaray afar ka mid ah dhalinyaradii ka tirsanaa.


Agaasimaha barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa shaaciyey in afar ka mid ah dhalinyaro ka hadlay warbaahinta oo cabasho ka muujiyey musuq maasuq ay sheegeen inuu soo dhexgalay barnaamijka laga saaray guud ahaanba barnaamijkaasi.



Ugu horayn agaasime Mu’adinka oo ka hadlaya nidaamka u yaala barnaamijka shaqo qaran ayaa waxa uu yidhi "Barnaamijka shaqo qaran waxa uu leeyahay xeer iyo nidaam waanu qoran yahay xeerkiisu, dhalinyaradana waxay u jiraan carbis shaqo waxaanay qaataan mushaharka ugu sareeya dawlada ee darajada A, fursadahan kale ee la siiyeyna waa dheeraad waxaana qabanaya xeer kasta oo shaqaalaha dawlada qabta, shaqo qarana waxa loo marinayey dadkan inay yeeshaan anshax iyo wanaag lagaga daydo laakiin dhalinyaradani way ku xad gudbeen, waxaanay kalifaysaa in talaabo laga qaado.”ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen Mu’adinka oo u waramay HCTV.


Sidoo kale waxa uu intaas raaciyey "Afartii abuuray ee ka hadlayey meesha in talaabo laga qaado waa khasab waayo kuwii ka dambeeyey ee hadlay waa xumaantii ka dhalatay wixii ay sameeyaan, afartaas dhalinyarada ahi waxay abuureen oo ay nijaasayn ku sameeyeen quruxdii barnaamijka, waxaanay niyad jabiyeen shacabka somaliland ee samaha jecel, waxaanay ku xad gudbeen dhalinyarada kale ee ay magacooda sheeganayeen ee shaqo qaran kuwaas oo ah 99% dad wanaagsan ah.”


Dhinaca kale waxa uu shaaciyey talaabada la go’aamiyey in laga qaado afartaas dhalinyarada ah waxaanu mar kale yidhi "Waxa jirta guddi qaran oo barnaamijku leeyahay, wada tashi ayaanay xafiiska iyo guddidu ka yeesheen talaabadii laga qaadi lahaa dhalinyaradaas, waana kuwii ugu horeeyey ee hadlay ee is xabeebinayey kuwaas oo kala ah.


1.Cabdale Siciid Xaaji Cabdilaahi Askar oo sita kaadhka 1899

2.Xamda Ismaaciil Ibraahin Maxamed oo sidata kaadhka 2081

3.Axmed Kilaas Jibriil Kaahin oo sita kaadhka 1820

4.Cabdirisaaq Kayd Cabdi Cali oo sita kaadhka 1941.


Dhalinyaradaas talaabada la gartay in laga qaado waxay noqotay in laga xayuubiyo xubinimadii iyo xuquuqdii shaqo qaran, lana qiimo tiro kaadhadhka ay sitaan, kamana tirsana shaqo qaran dhalinyaradaasi waana ficilkii ay la yimaadeen iyaga oo karayey inay waydiiyaan cidii ugu dhaw ama xafiiska yimaadaan, waxaanay xad gudub ku sameeyeen


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...