Musharax Xasan Cali Kheyre oo si adag u cambaareeyay xarrig loo geystay Nabadoon Xalane.

0
Saturday November 22, 2025 - 13:54:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Xasan Cali Kheyre oo si adag u cambaareeyay xarrig loo geystay Nabadoon Xalane.

    Nabaddoon Xalane waa oday dhaqameed codkiisa ku difaaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabaddoon Xalane waa oday dhaqameed codkiisa ku difaaca


"Waxaan cambaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay maanta kula kacday nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane oo ay boolisku afduubteen isaga oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde.

Nabaddoon Xalane waa oday dhaqameed codkiisa ku difaaca xuquuqda dadka danyarta ah iyo dhulka dantaguud, xarigga ay dowladdu maanta kula kacdayna waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo codka indheergaradka bulshada.


Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo nabaddoon Xalane, kana joogsado xarigga lagu caburinayo bulshada, barakicinta danyarta, iyo dhulboobka oo cuuryaaminaya dowladnimada, dimuqraadiyadda, iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed"
Loading...
Loading...