Maamulka Baanka Dhexe Ee JSL oo u tafo xaytay sidii ay suuqyada Sarifka uga macaashi lahaayeen.

0
Saturday November 22, 2025 - 12:08:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Baanka Dhexe Ee JSL oo u tafo xaytay sidii ay suuqyada Sarifka uga macaashi lahaayeen.

    Cali Daahir Guddoomiyihii hore Baanka Somaliland ayaa xili uu doonaayey ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Daahir Guddoomiyihii hore Baanka Somaliland ayaa xili uu doonaayey ...


Baanka dhexe ayaa saaka bilaabay qorshe ay doonayaan sidii ay sarifka hoos ugu dhigi lahaayeen taasi oo talaabada ay qaadeen aanay u muuqan mid Sarifku uu hoos ugu dhici karo.

Qiimaha Sarifka iyo lacaga kaashka ah ee ay Suuqa u iib geeyeen Baanku ayaa ka hooseeya Wax aan dhaafsiisnayn 1000 SLShl heerka sarifka ay maanta ku sarifayaan sarifleyaasha kale.


Cali Daahir Guddoomiyihii hore Baanka Somaliland ayaa xili uu doonaayey in uu sarifka hoos ugu dhigi dhigo waxa uu Isku beddelka lacaga suuqyada ay soo galiyeen ka hoos marin jiray lacago dhan 30 Kun ilaa 50 kun oo shilinka Somaliland ah taas oo sababo jirtay in dadku ay ku xoomaan xiliyada Baanku uu Lacagta kaashka ah dibada usoo saaro si ay dadkuna uga faa’iidaan.

Baanka Dhexe oo saaka Gaadhi lacag ah soo dhigay suuqa Hargeysa ayaanay Dadku u arkayn xal Sarifka hoos u dhigi kara maadama oo ay Sarifleyaashi iyo Baanku is dheerayn wax aan dhaafsiisnayn 1000 SLSHL ah.
Loading...
Loading...