Dowladda oo qiratay in E-fiisaha la jabsaday iyo tallaabada ay qaadeyso
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay in la jabsaday xogta rakaabka imaanaya Soomaaliya ee soo qaata nidaamka cusub ee dhawaan la hirgeliyay ee E-fiisaha.
Qoraal ay soo saartay hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayey ku xaqiijisay in ay la socdaan xadgudub sharci-darro ah oo lagu beegsaday qaybo ka mid ah xogta rakaabka imaanaya Soomaaliya.
Qoraalka hay'ad ayaa lagu sheegay in ay markii ay ogaadeen xadgudubka dhacay in ay qaadeen tallaabooyin ay ku sheegeen in lagu hakinayo laguna baarayo wixii dhacay si loo yareeo saameynta ka dhalan karta.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in la magacaabay guddiga baaritaan oo ka kooban hay'adaha amniga, khubaro caalami ah iyo hay'adaha dowliga ee ku shaqada leh ilaalinta xogta.
Hay'ada waxay kaloo sheegtay inta ay socoto baarista in dhammaan dadkay ay suuragal tahay in ay saameyn ku yeelatay xadgudubkan toos loo wargelin doono.
Qoraalka ay soo saartay hay'adaha socdaalka ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin sida ay wax u dahceen iyagoo sheegay in ay xaqiijinayaan ilaalinta macluumaadka dadka.
Qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya 13-kii bishan ayey safaarada uga hadashay waxayna sheegtay in xogta la jabasday ay tahay mid bannaan keeneysa tan gaarka ah ee dad badan.
Xogta la jabsasday oo ah tan dadka dalbanayay E-visaha Soomaaliya ayaa waxaa ku jira macluumaadka shaqsiyaadka dalbnayay dal-ku-galka Soomalaiya.
Safaareada Mareykanka waxay sheegtay in ay heleen warbixino lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in "kooxo aan la aqoonsan" ay gudaha u galeen xarutna dowladda Soomaaliya ee fiisayaasha elektaroonikada kuwaas oo laga yaabo in ay qaateen xogta ugu yaraan 35,000 oo qof.
Dokomentiyada bannaanka la keenay waxaa ku jira magacyada, sawirada, xiliga dhalashada, xaalada guur iyo cinwaanada guryaha iyo emailada dad badan.
"xogtan waxay bannaanka keeneysaa tan gaarka ah ee dadka soo dalbaday fiisaha" ayey tiri dowladda UK oo u digeysa dadka u safraya Soomaaliya.
"Ka fiirso khataraha ka hor inta aadan dalban e-visaha lagaa doonayo marka aad Soomaaliya u safreyso".
Nidaamka cusub ee fiisaha Soomaaliya ayaa ka doonaya dhammaan dadka u safraya oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida Somaliland in ay soo dalbadaan Fiiso.
Dadka ka horjeeda nidaamkan waxay ku dhaliileen in dadka qaar ay bixiyaan lacaga badan marka ay u safrayaan meelaha qaar taas oo ka dhigeysa labo laab intii ay aheyd in ay bixiyaan.
Xogta la sheegay in la jabsaday waxay sidoo kale kordhineysaa xiisada ka dhextaagneyd Muqdisho iyo maamulka Somaliland ee la xiriirta cidda maamuleysa hawada Soomaaliya.
Dowladda UK ayaa hore ugu sheegtay dadka haysta dhalashada dalkeeda marka ay u safrayaan Soomaaliya in ay haystaan E-visaha. Dadka ayaa loo sheegay in ay qasab tahay in ay haystaan dalku galka elektaronikada ah marka ay u safryaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay UK sheegtay in looga baahan yahay dal ku gal dadka aadaya magaalada Hargeysa.
Somaliland lagama aqoonsano E-visaha ay soo saartay dowladda federaalka. Wasiirka Duulista, Fu'aad Axmed Nuux, waxa uu BBC-da u sheegay in aan Somaliland lagu soo geli karin nidaamka E-visaha ee Soomaaliya, haddii ay noqoto dhulka, cirka iyo baddaba.
Hay'adda Socdaalka ee Somaliland ayaa sheegtay in ay amar ka soo saartay E-visaha kaas oo dhigaya in aan lagu soo geli karin Somaliland, ciddii ku timaadana la la diidi doono in ay Somaliland soo galaan, waxeyna ku khasban yihiin in ay qaataan dal-ku-galka Somaliland, oo madaarada laga qaadanayo ama xafiisyada Somaliland adduunku ku leedahay, markaa E-visa kama shaqaynayo Somaliland" ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ay la wadaageen amarka shirkaddaha diyaaraddaha, safaaraddaha iyo dalalka ay ka imanayaan dadka soo dhoofayaa.
Nidaamka E-vsaha ayey dowlada federalka Soomaaliya dhaqangelisay kowdii bishii Sabtambar ee sanadkan taas oo ku qasbeysay qofkasta oo dalka galaya in uu soo dalbado fiiso ka hor inta uusan dalka imaan. Ujeedka loo soo saaray ayey dowladda ku sheegtay in ay tahay mid lagu casriyeynayo habka dalka lagu soo galo.


0 





