Madaxweynaha Soomaaliya Oo Celiyay Jinsiyadii Labaad Ee Uu Ka Heystay Mareykanka.

0
Thursday August 01, 2019 - 12:05:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Celiyay Jinsiyadii Labaad Ee Uu Ka Heystay Mareykanka.

    Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

 

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

 

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra'iisul Wasaare sanadkii 2010.

 

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.

 

DHAMMAAD

 

Cabdinuur Maxamed Axmed,

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada JFS

Muqdisho-Soomaaliya


Loading...
Loading...