Abdi-Shotaly Oo Tacsi Udiray Ehelkii Ay Ka Baxday Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar Oo Hargaysa Ku Geeriyootay.
Cabdiraxmaan Jaamac Axmed oo ku magacdheer Cabdi Shotali waxa uu
dhambaal tacsi ah u dirayaa, ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo
shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hibaaq
Cabdiqaadir Koosaar oo ku geeriyootay maanta shil gaadhi oo ka dhacay Hargeysa.
Cabdi shotali waxa uu marxuumadaasi Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...