Wasaaradda Maaliyadda oo Xoojisay Daahfurnaanta Maaliyadeed ee Dalka
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo daahfurnaanta iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Tallaabadani waxay qayb ka tahay dedaalada iyo qorshaha xukuumadda ee casriyeynta habraacyada cashuur-ururinta iyo maamulka dhaqaalaha si loo hubiyo hannaanka isla-xisaabtanka iyo in si hufan loo maareeyo khayraadka qaranka.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Mishiinka Cashuuraha Iibka iyo isku-xidhka nidaamyada online-ka ah ee u dhexeeya Wasaaradda iyo cashuur-bixiyeyaasha GST, taas oo ah mid ka tarjumaya jihada cusub ee Somaliland ku socoto ee dhanka casriyeynta maamulka maaliyadda iyo nidaamka cashuuraha.
Tallaabadan oo xoogga lagu saarayo isku-xidhka nidaamyada elektaroonigga ah iyo habraacyada casriga ah ee lagu maamulo cashuuraha, waxay fududeynaysaa in la helo xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo muhiim u ah qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed. Nidaamyadan cusub waxay ka hortagayaan musuqmaasuqa iyo ku tumashada dhaqaalaha qaranka, isla markaana waxay dhiirrigelinayaan kalsoonida ganacsatada iyo bulshada guud ahaan.
Daahfurnaanta maaliyadeed waa tiir muhiim ah oo ka tarjumaya hufnaanta iyo mas’uuliyadda maamulka dowladda, iyadoo sidoo kale kor u qaadaysa maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah. Tallaabooyinka noocan ah waxay Somaliland u horseedaysaa waddada horumarka, iyadoo hubinaysa in dhaqaalaha dalka loo maamulo si waafaqsan sharciga iyo danaha qaranka.
Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in ay kor u qaaddo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta dhaqaale. Nidaamka cusub ee elektaroonigga ah wuxuu fududeynayaa isku-xidhka xogta u dhaxaysa Wasaaradda iyo ganacsatada, isagoo meesha ka saaraya caqabadihii iyo dib-u-dhacyadii jiray ee hababka gacanta lagu maamuli jiray. Dadaallada noocan ah waxay sidoo kale fursad u yihiin dhalinyarada iyo ganacsatada si ay uga faa’iidaystaan tiknoolajiyadda, iyadoo dalka lagu hoggaaminayo jihada horumar iyo casriyeyn waara.


0 





