Ciidanka Cabsida ku abuuray Mucaaridka Uganda

0
Thursday November 13, 2025 - 14:58:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Cabsida ku abuuray Mucaaridka Uganda

    Museveni wuxuu hoggaaminayay Uganda tan iyo 1986-kii, markaas...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Museveni wuxuu hoggaaminayay Uganda tan iyo 1986-kii, markaas...


Ciidanka amniga gaarka ah ee loo yaqaano SFC ee dalka Uganda,ayaa cabdi wayn ku abuuray mucaaridka dalkaas isla markaana sameeya falal cabsi gelin iyo handadaad ah oo ay kula kacaan cid kasta oo ka hor timaadda Madaxweynaha dalkaas Museveni.

Ciidanka SFC ayaa Iyaga oo wata qoryo otomaatig ah oo yaryar, mararka qaarna wejigu u qarsoon yahay oo xidhan (maaskaro) ayay ku dhex lugeeyaan waddooyinka Uganda.


Xubnaha cutubkan ciidan ee khaaska ah, ayaa si isa soo taraysa loogu arkaa inay yihiin ciidan gaar u ah in lagu ilaaliyo madaxweyne Yoweri Museveni oo 81 jir ah iyo sidoo kale in lagu xoojiyo awoodda qoyseed ee uu dhisayo.

Museveni wuxuu hoggaaminayay Uganda tan iyo 1986-kii, markaas oo ciidamadiisii mucaaradka ahaa ay galeen caasimadda Kampala. Tan iyo markaas wuxuu ku guuleystay afar doorasho – dhammaantoodna waxaa hadheeyay eedeymo ah rabshado iyo musuqmaasuq.

Laakiin tani maaha wax cusub oo ku saabsan dalkaas – tan iyo markii Uganda xornimada qaadatay sanadkii 1962, awoodda siyaasadeed waxaa lagula kala wareegay oo kaliya iyada oo la samaynayo kacdoonno hubeysan ama afgambi ciidan.

Museveni wuxuu doonayaa inuu mar kale isu sharraxo doorashada madaxtinnimo ee dalkaas sanadka soo socda, waxaanay mucaaradku ka baqayaan in ciidanka amniga gaarka ah (SFC) loo adeegsado in lagu hor istaago ololahooda, sida ay sheegeen inay dhacday sanadkii 2021-kii.

Hase yeeshee, ciidanka SFC, oo uu sanado badan taliye ka ahaa wiilka Museveni, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa lagu eedeeyay inay afduubaan, jidhdilaan oo sidoo kale dilaan taageerayaasha mucaaradka, sannad walba, maaha oo xilliyada doorashooyinka balse waa mid taagan markasta sida ay mucaaridku ku doodayaan. SFC-du way diideen in ay ka jawaabaan eedeymahan.
Loading...
Loading...