Xukuumadda JSL oo Caalamka u Sharraxday Gardarada iyo Faro Gelinta Dawladda Muqdisho

0
Thursday November 13, 2025 - 14:56:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda JSL oo Caalamka u Sharraxday Gardarada iyo Faro Gelinta Dawladda Muqdisho

    Sidoo kale, xukuumaddu waxay u sheegtay danjirayaasha in Somaliland ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, xukuumaddu waxay u sheegtay danjirayaasha in Somaliland ...



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war-murtiyeed ka soo saartay nuxurka kulan shalay dhex-maray wasiirro ka tirsan xukuumadda, danjirayaasha iyo wakiillada dalalka caalamka u fadhiya caasimadda Hargeysa. Kulankaas oo lagaga hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay beesha caalamka.


Xukuumadda Somaliland ayaa diblomaasiyiinta iyo wakiilada caalamka ku wargelisay in dowladda Muqdisho ay si joogto ah u carqaladaynayso nabadda, dimuqraadiyadda iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana damaca gurracan iyo falalka gardarada ah ee dawladda Soomaaliya ay sabab u yihiin xaalada cakiran ee qalalaasaha ka abuurtay duulimaadyada hawada.

Sidoo kale, xukuumaddu waxay u sheegtay danjirayaasha in Somaliland ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si looga hortago qorshayaasha foosha xun iyo falalka guracab ee dawkadda Muqdisho ku doonayso in ay ku wiiqdo xasiloonidas, dimuquraadiyadda iyo horumarka dalka, sidoo kalena ay qaadi doonto tallaabo kasta oo Qaranka Somaliland lagaga difaacayo duulaanka qaawan iyo gardarada Soomaaliya.

Guddii wasiirrada ahaa ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, u magacaabay arrinta muranka dhalisay ee maamulka hawada Somaliland ayaa war-murtiyeed rasmi ah ka soo saaray kulankii ay shalay la yeesheen danjirayaasha iyo wakiilada dalalka caalamka, Iyagoo faahfaahin ka bixiyay qodobadii lagaga hadlay kulanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Bakaal, oo ugu horrayn ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay: "Waxaan saaka kulan la yeelanay ambaasatoorada iyo wakiilada beesha caalamka u fadhiya Somaliland u jeedadaasi oo ahayd inaan la socod-siino xaalada ay amrayso hawada ee dawalada muqdisho ay ku talaabsatay, waxaan la socod-siinay Soomaliya talaabo kasta oo ay dhibaato ugu gaysanayso ama ku carqaladaynayso, horumarka, Nabada dimuqraadiyada, isku kalsoonida iyo isku filnaanshiyaha Somaliland”.

Somaliland ayaa balan qaaday inay sii socon doonto wargalinta iyo la socod-siinta fariimaha ee dhamaan dunida talaabooyinka aan wanaagsanayn ee ay Somaliya qaadayso. Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhankiisa shacabka Somaliland u sheegay in lagu jiro dagaal ay soo qaaday Soomaaliya, waxaanu shacabka ugu baaqay in haatan loo baahan yahay wadajir iyo midnimo ay shacabka Somaliland iskaga kaashadaan arintaasi.

Geesta kale wasiirka wasaaradda duulista, hawada iyo horumarinta madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Fu’aad Axmed Nuux oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii uu bilaabmay muranka ka dhanka ah arimaha hawada Somaliland ayaa waxa uu sheegay. "Qaran ahaan waxaanu soo saarnay qaraar odhanaya hawadeena waxa marikara dal ogolaanshaheena haysta, diyaaradaha joogtada ah ee hawada Somaliland isticmaala maalintii celcelis ahaan waa 90 diyaaradod, 90 kaa diyaaradood ba shirkadaha iska leh waxaanu u gudbinay shuruudihii aanu ka doonaynay iyo qoraal-keenii oo rasmi ah, waanay ka soo jawaabeen, inku dhaw 40 boqol kiiba diyaaradahaasi waxay aqbaleen inay dabaqaan Somaliland sharcigeeda”.

Wasiir fu’aad ayaa si cad u sheegay in diyaaraha aan soo dalbanin ama aan ka soo jawaabin qaraanka sharci ee ay Wasaaraddu ka soo saartay arimaha duulimaad ee hawada Somaliland in 11kii bishan la siiyey ogaysiis ah inay hawada Somaliland ka leexdaan halkaasi oo qaar ka mid ahi ay leexdaan, waxana uu intaasi ku daray in diyaaradaha leexan waaya ee u hogaansami waaya ay qaadi doonaan talaabooyin kale.

War-saxaafadeedka ayaa muujinaya sida Somaliland uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo xaqa ay u leedahay in ay si nabad iyo dimuqraadiyad ku dhisan uga shaqeyso horumarka iyo nabadda shacabka. Xukuumaddu waxay ku boorisay bulshada caalamka in ay fahmaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, isla markaana ay taageeraan dadaallada nabadda iyo xasiloonida ee dalka.

Loading...
Loading...