Xukuumadda JSL oo Dhisaysa Deked Istaraatiijiya oo laga Dhoofin Doono Xoolaha

0
Thursday November 13, 2025 - 14:51:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda JSL oo Dhisaysa Deked Istaraatiijiya oo laga Dhoofin Doono Xoolaha

    Tallaabadan ayaa astaan u ah in xukuumadda Somaliland oo si dhab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaabadan ayaa astaan u ah in xukuumadda Somaliland oo si dhab


Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Shuceyb Maxamed, ayaa shaaciyay qorshe cusub oo lagu dhisayo deked gaar ah oo u adeegta dhoofka xoolaha Somaliland, taas oo qayb ka noqon doonta dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada xoolo-dhoofka.


Kulankii uu wasiirku la yeeshay dhakhaatiirta xoolaha iyo shaqaalaha wasaaradda ee gobolka Saaxil, ayuu si cad u sheegay in dhoofka xoolaha Somaliland uu yahay laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isla markaana loo baahan yahay in nidaamka dhoofka, maxjarada, iyo dekedaha la isku xidho si waafaqsan hal qorshe oo mideysan. Wasiir Cumar Shuceyb waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in aanay kala fogaanin dekedda cusub iyo maxjarada Berbera, iyada oo dekedaasi noqon doonta mid si toos ah ula shaqaysa xarumahaas si loo helo nidaam isku dhafan oo waxtar badan.

Tallaabadan ayaa astaan u ah in xukuumadda Somaliland oo si dhab ah u danaynaysa kobcinta qaybta xoolaha, oo ah tan ugu saameynta badan dhaqaalaha dalka. Iyada oo Wasiir Cumar Shucayb uu tilmaamay in dekedaas oo muhiimad weyn u leh daqaalaha qaranka ay tahay mid si hufan loo qorsheeyay, oo leh qalab casri ah iyo dhammaan adeegyadii looga baahnaa oo tayo sare leh, iyo habraacyo suuq-geyn oo u diyaariya xoolaha Somaliland suuqyada caalamka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu tilmaamay baahida loo qabo in maxjarada dalka laga hirgeliyo heerar adeeg iyo tayo oo isku mid ah, si looga fogaado kala duwanaanshaha adeegyada iyo tartanka aan caafimaadka lahayn ee ka dhex dhasha shirkadaha dhoofka.

Dhoofka xoolaha ayaa ah il dhaqaale oo qaranku ku tiirsan yahay, waxaana muhiim ah in la helo nidaam isku xidhan oo ka bilaabma xanaanada xoolaha, talaalka iyo karantiinka, ilaa dekedda dhoofka. Haddii qorshahan cusub si dhab ah loo hirgeliyo, wuxuu noqon karaa mid beddeli kara hannaanka dhaqaalaha reer miyiga iyo dakhliga guud ee qaranka.
Loading...
Loading...