Xukuumadda oo Bilowday Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka Dalka

0
Thursday November 13, 2025 - 14:49:56 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo Bilowday Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka Dalka

    Mashruucan oo ah mid istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo maagoolinka dalka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucan oo ah mid istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo maagoolinka dalka,


Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL, Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin), iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Xafiiska Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta (FCDO), ayaa shalay si rasmi ah u kala saxeexday mashruuca horumarinta magaalooyinka Somaliland, ee magaciisu yahay "SINNAAN”.


Mashruucan horumarineed ayaa wajigiisa koowaad waxaa si rasmi ah looga bilaabayaa doona magaalooyinka Burco iyo Tog-Wajaale, waxaana fulin doonta Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adda caalamiga ah ee DT GLOBAL.

Mashruucan oo ah mid istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo maagoolinka dalka, waxa uu magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka fulin doonaa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin maaraynta qashinka isku dhafka ah iyo mashruuca soo celinta iyo cagaaraynta Degaanka, iyada oo la beerayo malaayiin geed oo lagu soo celinayo bilicda iyo cagaaraynta degmada..

Degmada Tog-Wajaale, mashruucu wuxuu xooga saarayaa maaraynta Qashinka isku dhafka-(waste management and recycling) iyo horumarinta nidaamka ku shaqaynaya Tamarta cadceeda ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha adeeg bixinta Degmada.

Shirka saxeexa heshiiska mashruuca waxaa ka soo qaybgalay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay Maayarada Magaalooyinka Burco iyo Tog-Wajaale.

Mashruuca SINNAAN ayaa lagu tilmaamay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo magaalooyinka dalka, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyada casriga ah iyo hababka waara ee deegaanka lagu ilaalinayo, taasoo horseedi doonta magaalooyin nadiif ah, cagaaran, isla markaana adeegyo casri ah leh.
Loading...
Loading...