Kuwii Qaxa iyo Qoxoontiga Ku badaa, ii-fiise Qasaba kaa Qaadi raba!.

0
Wednesday November 12, 2025 - 09:01:42 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuwii Qaxa iyo Qoxoontiga Ku badaa, ii-fiise Qasaba kaa Qaadi raba!.

    Waxa Aan Ka mid ahaa 1988 kii dhalaankii Daroor, Rabaso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Aan Ka mid ahaa 1988 kii dhalaankii Daroor, Rabaso

Waxa Aan Ka mid ahaa dhalaankii iyaga oo dhulkoodii Hooyo jooga qaxa iyo barakaca loo gaystay, iyada oo loo adeegsanaayo Dayuurad laga soo kiciyey Gagida dayuurada ee magaaladii ay degenaayeen ee Hargeysa, iyada oo duqayneysa shacabkii isla Magaalada Hargeysa, iyada oo wax teelo ah loodhigan shacabka oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa, loona geystey Xasuuq badheedh ah, oo shacabka birta xabada ah lagu ganay oo dhegta dhiiga loo daray, iyaga oo magaalooyinkoodiina Burburin iyo billiliiqo loo gaystay waxa ay lahaayeen la gurtay Mood iyo noolba.


Waxa Aan Ka mid ahaa 1988 kii dhalaankii Daroor, Rabaso , Abokor, Dibiile iyo Dulcad xeryihii qoxoontiga ee kuyiiley loola qaxay, sidiina well Qoxoontinimo Ku maqan, oo Dalal shisheeye ahi namagan-geliyeen oo aan Ku dhex koray, kuna dhex dhaqmay.

Hadaba maanta oo ubadkaan dhalay ay ubad sii dhaleen oo dalal shisheeye ah Aan Ku dhaqmay oo qaxii aan dhulka Hooyo laygasoo qaxiyey tafiirtaydii shisheeye laga dhigay, runtii Qaxoontigii lay baday, waxa uu I baray ay Ka xun yihiin mar hadii ilmahaan dhalay iyo ilmahii aysii dhaleen midna afkii Hooyo aanu ugu hadal sida aan ugu hadlo, Dhaqankii Hooyana iskaba dhaaf, se afka degelkii shisheeye ee ay Ku dhasheen kuna dhaqmeen uu afkoodii koowaad noqday, oo ay dhaqan doorsameen, dhulkii Hooyo ee aan u dhaqan celin, keeni lahaana, Dawladii Calankii iqaxiyey ee ibaday xaalka dhaqan gadoonka ah ee aan maanta Ku suganahay uu leeyahay ilaa lacag isiiso mooyee ilmahaaga dhaqan celin uma keeni kartid dhulkaagii Hooyo!,
Runtii waa wax aad looga xumaado!.

Wixii dhib iyo hagardaamo ahayd ee aan soomaray runtii ubadkayga ugama sheekayn oo Allah igu ogyahay, waayo in Aan uurxumo raagta iyo nacayb aan Ku abuuro ma doonaayo, se waxii laybaday aniga iyo Ummadii anuu isku degelka ahayn waxa maantana uu nagula kacaayo kuwa sheeganaaya Dawladii waxaanu ogayn nabaday waa sidii leeb laabta iyo wadnaha kaaga likan oo si arxandaro ah lagugu liiliijinaayo!.

Hadal iyo dhamaan kuwii waxaan ogaa nabaday iyaga oo aanu magdhow uga fadhinay inay nagasiiyaan, Dilkii, Xasuuqii, Burburkii, Rushayntii Dayuuradaha, Dhacii, Qaxii, Qaxoontigii iyo Dhaqan Gadoonkii ay nabadeen, se tay keeneen waa wax bila-aadanimada Ka baxsan Dadkii waxii xilka lahaa labaday ubadkoodii Ajahanabiga laga Dhigay, in la yidhaahdo ilaa ay gibir bixiyaan mooyee yaanay diyaaradi soo qaadin!, waa waxashnimo iyo Ummad lasii kala fogaynaayo oo naxli lagusii abuuraayo, ileen Kuwii Qaxa iyo Qoxoontiga Ku badaa ii-fiise Qasaba ha kaa Qaadaan!, waa mid subxaanaleh iyo wax ina gumeednimo ah oo la aqbali karine!, ee waa in laga dhiidhiyaa oo aan laga yeelin!.

Dhibta laguma waaree
Dharraar san baa xigi.
Qadar Hooyoley
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...