Xaaladaha Cusub Ee Ethiopia Iyo Erateria Ka Dhex Taagan !

0
Tuesday November 11, 2025 - 02:54:22 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladaha Cusub Ee Ethiopia Iyo Erateria Ka Dhex Taagan !

    HALISTA AMNI EE KA IMAN KARTA DAGAAL KA DHEX DHACA ETHIOPIA IYO ERITREA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HALISTA AMNI EE KA IMAN KARTA DAGAAL KA DHEX DHACA ETHIOPIA IYO ERITREA



W/Q: Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)
Falanqeeye Siyaasadeed, Gobolka Geeska Afrika

Dhacdooyinka ciidan ee haatan socda iyo hadallada sare u kacay ee u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Eritrea waxay khatar weyn ku yihiin xasilloonida iyo amniga Gobolka Geeska Afrika.


Arimahani waxay ku soo beegmeen xilli ay gudaha Ethiopia ka taagan yihiin xiisado iyo mucaaradad hubeysan oo ka jirta gobollada Amhara, Tigray, Oromia iyo Afar.

Dhanka kale, Madaxweynaha Eritrea ayaa dhawaan booqasho istiraatiiji ah ku tagay dalka Masar, safarkaasi oo lagu sheegay in uu salka ku hayo difaaca danaha badda cas, kaddib markii uu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali sheegay in dekedda Asab gacanta Ethiopia ka bixitaankeeda ay ahayd "khiyaano qaran” iyo dhaawac uu hore u geystay maamulkii TPLF.

Xaaladahan cusub ayaa walaac iyo cabsi ku abuuray dadka iyo dawladaha gobolka, maadaama ay jirto suurtogalnimada in xiisaddu isu bedesho dagaal furan oo saameeya guud ahaan gobolka.

Haddii ay dagaallo qarxaan, waxaa laga baqayaa in ay keeni doonaan amni-darro, barakac, burbur dhaqaale iyo kala daadsanaan siyaasadeed oo sii wiiqda nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Ilaa iyo hadda, dawladaha deriska ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Djibouti, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (Muqdisho) ayaan caddeyn mowqifkooda ku aaddan xaaladaha cusub ee gobolka.

Arrintani waxay muujinaysaa baahida loo qabo iskaashi diblomaasiyadeed iyo dadaal mideysan oo lagu ilaalinayo amniga iyo degganaanshaha gobolka.

Ugu dambayn haddii dagaal cusub uu ka qarxo dalalka Ethiopia iyo Eritrea, wuxuu noqon karaa masiibo goboleed oo horseeda hoos u dhac dhaqaale, barakac ballaadhan iyo korodhka faqriga iyo amni-darrada.

Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo wadahadalka, dhexdhexaadinta iyo tallaabooyinka nabadda, si loo badbaadiyo shacabka iyo xasilloonida gobolka.

W/Q: Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)
Falanqeeye Siyaasadeed – Gobolka Geeska Afrika

Mohamed Abdi Jama <[email protected]>

Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...