Wasiir Fiqi iyo Fashilka Xukuumadda Federaalka: Puntland oo uu ka Dhigay Meel xasuuq laga taageero.

0
Tuesday November 11, 2025 - 02:12:07 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi iyo Fashilka Xukuumadda Federaalka: Puntland oo uu ka Dhigay Meel xasuuq laga taageero.

    Tani waxay si toos ah u muujinaysaa fashilka dzwladda Federaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tani waxay si toos ah u muujinaysaa fashilka dzwladda Federaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si lama filaan ah u qirtay arimo culus oo muujinaya burburka hay’adaha dawladeed iyo kala daadsanaanta maamulka dalka.
Hadaladiisa ugu dambeeyay, oo uu kaga hadlayay diyaarado hub sida oo ka duula garoonka Boosaaso kuna jeeda dalalka Suudaan, Chad, Niger iyo Liibiya oo lagu taageerayo jabhada gurmadka degdega ah ee xukuumadda la dagaalamaysa ,
ayaa si toos ah u muujiyay in dawladda Federaalka aysan gacanta ku hayn hawada, saldhigyada, ama maamulka guud ee dalka.


Wasiir Fiqi wuxuu si cad u sheegay in xukuumaddiisu aysan joogin Puntland, taasoo ah qirasho muujinaysa in dawladda dhexe aysan awood u lahayn inay ka taliso dhul dhan oo ka mid ah dalka.

Tani waxay si toos ah u muujinaysaa fashilka dzwladda Federaalka ee hoggaaminta dalka oo dhan, iyadoo ay muuqato in maamul goboleedyadu ay si madax banaan u dhaqmaan, xitaa marka ay khuseyso amniga qaranka iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Waxaa si gaar ah u xanuun badan in Wasiirka Gaashaandhigu uu si cad u qiray in diyaarado hub sida ay ka duulaan Boosaaso, taasoo la xidhiidhta taageerada ay Imaaraadka Carabtu siiso jabhado dagaal kula jira dawladda Suudaan.

Haddii arintan ay dhab tahay, waxay noqonaysaa ka qeyb qaadasho toos ah oo dagaal shisheeye ah, taasoo jebinaysa xeerarka caalamiga ah iyo mas’uuliyadda dawladnimo ee Soomaaliya.
Puntland waxay si cad u beenisay in garoomadeeda laga dhoofiyo hub ama ay jiraan saldhigyo Imaaraadku leeyahay.

Waxaa muuqata in Wasiir Fiqi uu isku dayay inuu ku xumeeyo maamulka Puntland, balse uu si lama filaan ah u muujiyay in xukuumadda Federaalka aysan lahayn awoodda ay sheeganayso.
Tani waxay dhaawac weyn ku tahay sumcadda iyo kalsoonida dawladda Soomaaliya, waxayna fursad siisaa quwadaha shisheeye iyo kooxaha hubeysan inay si xor ah ugu shaqeeyaan gudaha dalka.

Gunaanad: Hadalada Wasiir Fiqi waxay muujinayaan fashil siyaasadeed iyo mid amni oo baahsan.
Xukuumadda Federaalka ayaa u muuqata mid aan isku duubnayn, aan awood u lahayn ilaalinta madaxbanaanida dalka, isla markaana si aan toos ah uga qeyb qaadanaysa dagaalo shisheeye. Waxaa la gudboon madaxda dalka inay si degdeg ah u caddeeyaan mowqifkooda, isla markaana ay qaadaan talaabooyin lagu badbaadinayo sumcadda iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Puntland waxay u egtahay in ay maamulka muqdisho ka goosanayso oo ay madax banaani ku dhawaaqi doonto dhawaan .

Mise Somaliland ayay ku soo biiri doontaa?

Qalinkii: Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...