"Mar Haddii Doorashadii Laga Heshiiyey Waa In Tabashada Saami-qaybsigana Xal Loo Helaa" Xildhibaan Jaamac Xasan

0
Thursday August 01, 2019 - 09:35:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Mar Haddii Doorashadii Laga Heshiiyey Waa In Tabashada Saami-qaybsigana Xal Loo Helaa" Xildhibaan Jaamac Xasan

    Hargeysa (HWN)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay isfahanka iyo heshiiska laga gaadhay qabsoomida Doorashada, waxaanu tilmaamay inuu aad u soo dhaweeynayo.


Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale soo jeediyey in xal laga gaadho rabashada Saami-qaybsiga, oo uu tilmaamay inay tahay arin culayskeeda leh, oo u baahan inuu Madaxweynuhu wax ka qabato, oo uu xal ka gaadho, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay heshiiska Xisbiyada "In Xisbiyadu ka heshiiyaan khilaafka muddada dheer soo jiidamaayey waa arin loo baahnaa, oo aan aad u soo dhaweeynayo, markii horeba Xisbiga Waddani wuxuu diidaa in Komishankani Doorashada qabtaan iyo in laba xubnood lagu tiro Komishanka oo xubnaha Komishanka loo sinaado oo ay Xisbiyadu u sinaadan, markaas khilaafkaas mar haddii heshiis kama dambays ah laga gaadhay aad baan u soo dhaweeynayaa”.



Mar uu ka hadlaayey tabashada Saam-qaybsiga ayaa yidhi "Tabashada Saami-qaybsigu muddo aad u dheer bay taagnayd, oo Doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005, waxay Maxkamada sare go’aamisay in Doorashada bilaa saami-qaybsi lagu galo, balse Doorashada xigta ee Wakiilada in Saam-qaybsi lagu galo, ilaa haddana wax Doorasho ah oo la galay ma jirto, tabasho Saam-qaybsi oo la xaliyeyna ma jirto, ee mar haddii Doorashadii laga heshiiyey waa in tabashada saami-qaybsigana xal loo helaa, tabashada saam-qaybsigana waxaa wax ka qaban kara waa Madaxweynaha, oo laga sugayaa inuu xal ka gaadho”

 

Loading...
Loading...