Dr. Beyle: "JSL Waxa ay Leedahay Dhammaan Shuruudaha Furaha u ah Maalgashiga Caalamka"
Dr. Cabdiraxman Beyle, La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland, oo khudbad uu ka jeediyay Shirka Maalgashiga Somaliland ee ka qabsoomay Hoteelka Sarovar Premier ee caasimadda Hargeisa, ayaa si cad u sheegay in Somaliland laga helayo dhammaan 11-ka qodob ee shuruudaha caalamiga ah ee maalgashiga dibadda lagu soo jiito.
Shirka oo socday laba maalmood isla markaana isugu yimaadeen 80 maalgashadeyaal calami ah oo ka kala yimid 23 waddan, oo ay ku jiraan kuwa ka socda Geeska Afrika.
Dr Cabdiraxmaan oo faahfaahin ka bixinayey 11-ka qodob ee muhiimka u ah Maalgashiga Caalamiga ah ayaa ku bilaabay:
- Xasilooni Siyaasadeed
"Qof kastaaba wuxuu marka hore eegaa xasilooni. Xasilooni la’aan iyo maalgashi waa laba iska soo horjeeda. Inta aad xasiloon tahay, ayaa maalgashi badan kuu yimaadda – sababtoo ah ma jiro maalgashi qalalaase ama jahawareer kuu imanaya.
- Kobaca Dhaqaalaha & Awoodiisa
Dhaqaalaha bulshada dalku ma iibsan karaan waxaan soo saaro? suuq fiican ma jiraa? Ma korayaa? Dhaqaale taagan ayuu maalgashadahu ka cararaa. Dhaqaalaha Somaliland waa mid aad u koraya.”
- Dabeecadda Dadweynaha
Bulshada iyo Dadka caadiga ahi sidee bay u arkaan maalgashadaha dibadda? Haa, bulshada Somaliland hibo ganacsi baa dhiigga ugu jira. Dadkeennu waa ganacsiga ku horeeya, taasi waa hibo qaali ah oo aan maalgashadahu ku soo dhiiran karo
- Siyaasadaha Dawladda
Dawladdu ma ilaalisaa maalgashiga iyo maalgashadaha? Haa – sharciyada Somaliland waxay ilaaliyaan doollar kasta maalgashi aad u keento.”
- Kaabayaasha
Waddooyin, dekedo, koronto, biyo.
Sidee baan alaabta u soo qaadanayaa? Immisa ayay qaadanaysaa? Waa imisa kharashka? Ugu dambayn wax walba dhinaca jabnaanta kharashka ayuu maalgashadahu ka eegaa.
- Shaqaalaha
Ma heli karaa shaqaale xirfad leh, la aamini karo oo anshax leh? Haa. Dhallinyaradeennu xirfado kala duwan ayey leeyahiin, wax bay degdeg u bartaan, wayna shaqeeyaan.”
- Bangiyada & Maaliyadda
Lacagtayda si fudud ma wareejin karaa waxii faa’iido ah? Amaah degdeg ma heli karaa? Haa, waxa jira bangiyo ganacsi oo adeegyada fuliya.
- Xafiisyada Dawladda
Ruqsadaha maalgashiga iyo adeegyada kale sidee baan degdeg ugu helayaa? Somaliland ruqsad ganacsi waa hal ama laba maalmood. Diiwaangelinta baabuur, oggolaanshaha warshad. Waa muddo kooban.
- Bulshada Xirfadlayaal Maxalliga Ah
Ma jiraan qareenno maxalli ah, xisaabiyayaal, xoghayn, xafiisyada hawlahayga ku aamino ayuu isweydiinaya amaalgashadahu? Haa
- Tayada Nolosha
Maalgashaduhu waxuu isweydiinayaa haddaan qoyskayga keeno dalka, ma nabad baa? Ma helayaan dugsiyo, cusbitaalo iyo adeegayada ay u baahan karaan? Haa, dugsiyo heer caalami ah, isbitaalo casri ah, ammaan 24 saac.”
- Dhiirigelinta Cashuurta- Dheeraadk ah.
Cashur la’aan. Lacagtaada keenso oo ku raaxayso fursado cashuur la’aan. Shaqo abuur oo dheeraad ah abaalmarin dheeraad ah. Somaliland: Dal Diyaar u ah Maalgashi
Dr. Beyle wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay leedahay xasilooni siyaasadeed, doorashooyin joogto ah, iyo sharci fulin, taas oo horseedaysa kobac dhaqaale.
"Somaliland waa diyaar. Albaabada ayaa u furan maalgashi wanaagsan,” ayuu yidhi. Waxaanu ammaanay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, isagoo xusay in Madaxweyne Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi uu yahay hogaamiye diyaar u ah fulinta siyaasadaha maalgashiga.


0 





