Xukuumadda oo Mar Kale Qaaday Tallaabo Xoojinaysa Sumcadda Dalxiiska iyo Maalgashiga JSL

0
Thursday November 06, 2025 - 10:55:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo Mar Kale Qaaday Tallaabo Xoojinaysa Sumcadda Dalxiiska iyo Maalgashiga JSL

    Kulankan ayaa ahaa mid lagu dardargelinayo hirgelinta mashruuca ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa ahaa mid lagu dardargelinayo hirgelinta mashruuca ...



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale qaaday tallaabo istaraatiiji ah, taasoo si cad u muujinaysa go’aankeeda ku aaddan horumarinta dalxiiska, ilaalinta dhaxalka taariikhiga ah ee ummadda, iyo soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah. Sidoo kale tallaabadani waxay si weyn u xoojinaysaa sumcadda iyo awoodda Somaliland gaar ahaan doorkeeda dalxiiska Bariga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Jamhuuriyadda SomalilandMudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilaywefti ballaadhan oo ka socday hay’adda Expertise France, oo uu hoggaaminayayMr. Tristan de La Haye, madaxa mashruuca horumarinta iyo ilaalinta Aasaarta goob dalxiiseedka qadiimiga ah eeLaas Geel.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu dardargelinayo hirgelinta mashruuca Laas Geel, kaas oo ah mashruuc qaran oo muhiim u ah ilaalinta goobaha taariikhiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalxiiska ee Somaliland. Mashruucan ayaa noqonayatusaale muuqda oo ka tarjumaya iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Faransiiska, iyada oo Expertise France ay door weyn ka qaadanayso ilaalinta, dib u habaynta iyo daryeelka goobaha taariikhiga ah ee Laas Geel.

Wasiir Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa uga mahadceliyey hay’adda Expertise Francetaageerada ay si joogto ah u siiso Wasaaradda, isagoo xusay in mashruucani uu door weyn ka ciyaari doonokor u qaadista dalxiiska, shaqo-abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka, isla markaana uu furi doono fursado cusub oo maalgashi.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in ilaalinta iyo horumarinta dhaxalka dhaqan ee taariikhiga ah ee ummadda Somaliland ay tahaywaajibaad qaranoo u baahan qorshe cilmi ku dhisan iyo iskaashi caalami ah.

Dhankiisa,Mr. Tristan de La Hayeayaa uga mahadceliyey Wasiirka iyo Xukuumadda Somalilandsoo dhoweynta diirran iyo wada shaqaynta hufan, isagoo sheegay in Expertise France ay si buuxda uga go’an tahay in mashruuca Laas Geel loo hirgeliyosi waafaqsan heerarka caalamiga ah ee ilaalinta iyo dhaqangelinta dhaxalka taariikhiga ah.

Laas Geel waa astaan qaran iyo hanti taariikhi ah oo ka tarjumaysa hal-abuurkii iyo suugaantii faca-weyneyd ee dadka Somaliland. Daryeelka iyo horumarinteedu waa ilaalinta qarannimada Somaliland iyo taariikh qaran oo mug weyn, isla markaana ay dhaxlayaan jiilasha dambe.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aaminsan tahay in dalxiisku yahay tiir muhiim ah oo door weyn ka ciyaara dhaqaalaha, nabadda, ganacsiga iyo xoojinta sumcadda dal kasta. Mashruuca Laas Geel, oo ah mid lagu horumarinayo laguna ilaaliyo dhaxalka taariikhiga ah ee qaranka, wuxuu noqonayaa bilow cusub oo muujinaya awoodda Somaliland ee isku xidhka dhaqankeeda qadiimiga ah iyo himiladeeda casriga ah.

Agaasimaha waaxda cashuuraha barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo dhaqaalaha Somaliland mudane Maxamed Cismaan Aadan Quule ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi "Maanta waxa aynu xadhiga ka jaraynaa xafiiskii imtixaanaadka iyo shahaado bixinta ee gobollada galbeed oo uu xafiiska cashuuraha barriga Somaliland ku yeelanayo xafiiskan aynu xadhigga ka jarnay, kaas oo qaban doona dakhliga shahaadooyinka, waxaanan u mahad celinayaa guddoomiyaha waxbarashadas iyo guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka oo furitaanka xafiiskan laf dhabar u ahaa.

Waxa kale oo aan u mahad celinayaa masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka qaranka oo iyagu hormood u ahaa maamul daadejinta iyo in arrintani ay gobollada gaadho, isla markaana soo wareejiyay dakhligaas oo suurogeliyay in dakhligaas shahaadooyinkuna ay soo galaan gacanta wasaaradda maaliyadda.”

Maamulaha cashuuraha Bariga ee gobolka Awdal Cabdillaahi Aadan Nuur ayaa isaguna ka hadlay munaasibaddii xadhig ka jarista xafiiskan cusub waxaanu yidhi "Xafiiskani cashuuraha barigu waxa uu ka mid noqon doonaa xafiisyadii qaranka ee bahwadaagta ahaa, waxaanu qaban doonaa dakhliga shahaadooyinka waxbarashada iyo dakhliyada rool lambarada, waxaanan bogaadinayaa wasaaradda waxbarashadas iyo masuuliyiintoodaba oo si milgo leh noo soo dhaweeyay, insha ALLAAH qarankana waynu u wadashaqayn doonaa”


Loading...
Loading...