Wasaaradda Maaliyadda oo Dedaal Badan ku Bixisay Kobcinta Dakhliga JSL
Wasaaradda Maaliyadda ayaa si joogto ah u muujisay dedaal muuqda oo lagu xoojinayo kobaca dakhliga qaranka, iyadoo si gaar ah diiradda u saartay horumarinta nidaamka cashuuraha berriga, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka. Dakhliga gudaha ayaa ah laf-dhabarta maalgelinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed, taasoo ka dhigaysa dadaalkan mid istiraatiiji ah.
Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland waxa ay shalay si rasmi ah u xadhig uga jartay Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Imtixaanaadka iyo Shahaado-bixinta Gobollada Galbeedka Somaliland, kaasoo laga daahfuray magaalada Boorame. Hawshan ayaa qayb ka ah soo wareejinta dakhliyadii ay hore u qaban jireen hay’addaha kala duwan ee dawladdu oo uu ka mid yahay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL.
Dedaaladda Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee la tilmaami karo waxaa ka mid ah casriyeynta hababka ururinta cashuuraha, kordhinta wacyigelinta bulshada ee ku saabsan waajibaadka cashuur-bixinta, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ka fogaanshaha wax is daba-marinta cashuuraha. Tani waxay gacan ka geysatay in dakhliga dowladda uu kordho, isla markaana uu hoos u dhaco ku tiirsanaanta ilaha kale ee aan joogtada ahayn.
Guud ahaan, tallaabooyinkan ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda waa kuwo mudan in lagu bogaadinayo, maadaama ay horseedi karaan koboc dhaqaale oo waara iyo horumar bulsho oo dhab ah.


0 





