Kooxda Gaashaan oo Barnaamij Wacyi Gelin ah ka Dhigtay Taliska Aagga Galbeed iyo Dugsiga Gorayacawl

0
Thursday November 06, 2025 - 10:41:17 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Gaashaan oo Barnaamij Wacyi Gelin ah ka Dhigtay Taliska Aagga Galbeed iyo Dugsiga Gorayacawl

    Waxaanay ciidanka ku jira dugsiga tababarka Goraya-cawl ay ku war

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanay ciidanka ku jira dugsiga tababarka Goraya-cawl ay ku war



Kooxda Fanka Ciidanka Qaranka ee Gaashaan,ayaa barnaamij wacyin ah ka fuliyay taliska aagga galbeed ee Ciidanka qaranka ee Goraya-cawl iyo Dugsiga tababarka ciidanka qaranka ee Goraya-cawl kooxdka fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaadhaan oo ay hoggaaminayeen ku xigeenka madaxa hoggaanka wacyi gelinta ciidanka Qaranka ee Gaashaan Gaashaanle Dhexe Kayse Maxamed Goolle iyo Taliyaha kooxda Fannaaniinta Gaashaan Dhamme Axmed Cabdilaahi Wacays.

Ugu horrayn markii ay gaadheen Taliska aagga Galbeed ee ciidanka qaranka ee Goraya-cawl waxaa taliye-yaasha iyo kooxda Gaadhaan taliska ku soo dhaweeyay taliyaha Aagga Galbeed Gaashaanle Sare Maxamuud Axmed Yabaal iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Goraya-cawl Gaashaanle Dhexe Maxamed Axmed Xasan.

Waxaanay ciidanka ku jira dugsiga tababarka Goraya-cawl ay ku war geliyeen in ay la joogaan oo ay barnaamij waciyi gelin ah u sidaan Hoggaanka wacyi gelinta iyo Kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan.

Ku xigeenka madaxa hoggaanka wacyi-gelinta ciidanka Qaranka Gaashaanle dhexe Kayse ayaa uga mahad naqay taliyeyaasha iyo ciidanka ku jira dugsiga sida wanaagsan ee ay usoo dhaween,waxaanu ka war bixiyay barnaamijak wacyi gelinta ah ee ay fannaaniinta Gaashaan u sidaan isagoo intaa raaciyay in ay tahay mid ka mid ah waajibaadka kooxda Gaashaan isla markaana taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan in ay soo mareen oo barnaamijyo wacyi gelin ah ay ku tageen dugsiyada tababarka ee Sheekh,Caynaba iyo Dararweyne.

Taliyaha kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan Dhamme Axmed Cabdilaahi wacays,ayaa dhankiisa sheegay in barnaamiyada wacyi gelinta ah ee Kooxda Gaashaan ay ku baraarujinayso Ciidanka Qaranka meel kasta oo ay joogaan ay tegi doonaan taas oo ah amarka Taliyaha Ciidanka Qaranka isla markaana mar walba ay u taagan yihiin ka koox Faneed Gaashaan ahaan in ay wacyiga waddaniyada iyo ku baraarujinta waajibaadka ciidanka qaranka in ay markasta ciidanka fadhiisin kasta iyo dugsi kasta ay ugu gaynayaan.

Intaa ka dibna kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ayaa dugsiga Goraya-Cawl ku so bandhigay barnaamij ciidanki iyo madaxdii daawatayba ay aad u jeclaysteen o xambaarsanaa wadan jacaylka dhaqan wanaagsanaanta illaalinta cibaadada iyo dhammaan gudashada waajbaadka ciidanka qaranku u xil saaran yahay.

Waxaa kale oo barnaamijka wacyi gelinta ahaa ee ay kooxda gaashaan soo bandhigay uu ciidanka ka wacyi geliyay qabyaaladda isticmaalka balwadaha iyo in ay ciidanka qaranku markasta yihiin kuwo dhaqan,akhlaaq iyo toosnaan lagu majeerto bulshadu ka aragto,waxaa kale oo barnaamijka wacyi gelinta ah ee kooxda gaadhaan ay soo bandhigay uu ciidanka qaranka ee ku jitay dugsiga tababarka Goraya-cawl ay ku dhiirri geliyeen in markasta ay maanka ku hayaan in xabbadoodu cidda keliya ee ay heeganka u tahay ee yoolkoodu yahay ay tahay cadawga qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.


Loading...
Loading...