Xukuumadda oo Gobolka Awdal ka Hirgelisay Ballan-qaadkii Adeeg Fidinta iyo Maamul-daadejin
Xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee uu hoggaaminayo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale si cad uga dhabaysay hirgelinta ballanqaadyadii uu hore Madaxweynaha Somaliland, ugu sameysay bulshada, gaar ahaan dhinaca maamul daadejinta iyo fidinta adeegyada dowliga ah ee gobollada dalka. Taas oo si dhab ah uga turjumaysa aragtida iyo fahanka xukuumadda ee ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya xoojinta kalsoonida bulshada iyo adeeg bixinta dawliga ah ee dhammaan gobollada dalka.
Magaalada Boorama, xarunta gobolka Awdal, ayaa noqotay goob rasmi ah oo laga hirgeliyey nidaamka adeeg-daadejinta iyo bixinta shahaadooyinka dugsiyada sare. Ardaydii dhammaystay waxbarashadooda dugsiga sare ee Somaliland ee sannad dugsiyeedka 2024 – 2025 ayaa si rasmi ah uga heli doona shahaadooyinkooda xarunta gobolka Awdal. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida daacadnimada ah ee ay xukuumadda uga go’an tahay in adeegyada muhiimka ah lagu gaadhsiiyo bulshada meel kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo laga duulayo yaranta culeyska iyo safafka dheer ee xarumaha dhexe.
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Somaliland, Mudane Maxamed Cismaan Aadan Quule, ayaa si rasmi ah u shaaciyay adeeg fitinta shahaadooyinka dugsiyada sare ee gobolka Awdal, isaga oo ka hadlayay munaasibad shalay xadhigga lagaga jaray daahfurka xafiiska cashuuraha berriga iyo xafiiska hay’adda Imtixaanaadka Qaranka ee gobolka Awdal, kuwaas oo iyaguna ka mid ah hirgelinta ballanqaadyadii rumoobay.
Agaasimaha Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Cismaan Aadan Quule ayaa si qoto-dheer u sharraxay muhiimadda adeeg-daadejintan. Waxa kale oo uu ardayda gobolka Awdal ugu baaqay in ay shahaadooyinkooda ka qaataan xafiiska Boorama, waxaanu yidhi"Waxaa halkan uga faa’iidaysanayaa in Shahaadooyinka dugsiyada sare 2024 – 2025 ay si rasmi ah gobolka Awdal u soo gaadhayaan todobaadka soo socda. Sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa maamulayaasha dugsiyada iyo jaamacadaha in ay ardayda ku boorriyaan in ay shahaadooyinkaas qaataan iyaga oo si rasmi ah uga helaya xafiiska gobolka Awdal.”
Hirgelinta adeeg-daadejinta iyo bixinta shahaadooyinka heer gobol waa tusaale cad oo muujinaya hufnaanta maamulka, iyo daryeelka shacabka. Waxay sidoo kale dhiirrigelin u tahay ardayda iyo dhalinyarada, iyadoo xoojinaysa rajada iyo kalsoonida bulshada ee mustaqbalka waxbarashada iyo horumarka dalka.
Falanqayntani waxay boggaadinaysaa dadaalka joogtada ah ee Madaxweynaha Cirro iyo xukuumaddiisa, kuwaas oo caddeeyey in horumarka iyo adeegga bulshada uu yahay tiir muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha istaraatiijiga ah ee qaranka. Hirgelintani waxay muujineysaa sida ay xukuumadda Somaliland u qaaday waddada horumarka iyo maamulka wanaagsan, isla markaana ay u xaqiijineyso in waxqabadka xukuumaddu uu gaadho heer gobol, heer degmo iyo goob kasta oo ka mid ah ah dalka.


0 





