Wasaaradda Ganacsiga oo soo Saartay Xeer Cusub oo Lagu Xalinayo Qiimaha Laydhka

0
Wednesday November 05, 2025 - 14:51:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Ganacsiga oo soo Saartay Xeer Cusub oo Lagu Xalinayo Qiimaha Laydhka

    Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaamtay in qiimaha shidaalka iyo korontadu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaamtay in qiimaha shidaalka iyo korontadu...



Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, oo kaashanaysa Hay’adda Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, ayaa shalay soo saartay xeer nidaamiye cusub oo lagu maamulayo laguna xakameynayo qiimaha shidaalka, korontada, wakaaladaha biyaha iyo warshadaha wax soo saarka dalka. Xeerkan ayaa ka dhashay daraasad muddo afar bilood ah socotay, oo ay sameeyeen wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Tamarta iyo Macdanta, iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaamtay in qiimaha shidaalka iyo korontadu ay si toos ah u saameeyaan nolosha bulshada iyo horumarka warshadaha, iyada oo tallaabooyinkan la qaaday ay yihiin kuwo waafaqsan dhaqaalaha dalka, isla markaana ilaalinaya danta guud ee bulshada. Go’aannadan cusub ayaa sidoo kale xoojinaya qorsheyaal lagu dhiirrigelinayo wax-soo-saarka gudaha, isla markaana lagu taageerayo shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe, kuwaas oo si rasmi ah loogu fududeynayo helitaanka adeegyada muhiimka ah.

Xeerkan ayaa dhigaya in isticmaalkaq shidaalka ay ku jirto maadadadasalfarta saraysaloo oggol yahay oo keliya shirkadaha korontada, wakaaladaha biyaha iyo warshadaha wax soo saarka, halka xaddiga salfarta ee shirkaduhu isticmaali karaan aanu ka badnaan karin3000 PPM. Waxaa sidoo kale lagu caddeeyey indawlada Somaliland ay keliya mas’uul ka tahay soo dejinta, kaydinta iyo iibinta shidaalkaniyadoo oo ay masuul ka noqon doonto hay’adda Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka.

Sidoo kale, xeerkan cusub ayaa dhigay in qiimaha korontada dalka dib-u-eegis lagu sameyeeyo iyada oo xukuumadda Somaliland sheegtay in lagu hirgelin doonaa muddo30 maalmood ah, laga bilaabo 4 Nofembar 2025 ilaa 3 Diseembar 2025.

Go’aannada ugu muhiimsan ee xeerkan waxaa ka mid ah:

  1. Guddigu waxay ogolaatay soo dejinta shidaalka xadigiisu ka badan yahay 500 PPM.
  2. Shidaalka salfartiisu sarayso waxaa loo oggol yahay in ay isticmaalaan kaliya shirkadaha korontada, wakaaladaha biyaha, iyo warshadaha wax soo saarka dalka.
  3. Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa soo saari doona wareegto qeexaysa in xadiga salfarta ee shirkadaha, wakaaladaha biyaha, iyo warshaduhu aanu ka badnaan karin 3000 PPM.
  4. Shidaalka la oggol yahay looma isticmaali karo ganacsi kale, waxaana loo adeegsan karaa oo kaliya ujeedooyinka loo qoondeeyey.
  5. In cida kaliya ee soo dajin karta, kaydin karta, ee iibinkarta shidaalkan ee loo ogol yahay ay tahay ‎dawlada oo ay ku matalayso kaydka haamaha shidaalka qaranka.
  6. Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, oo kaashanaysa Komishanka Tamarta, ayaa dib-u-eegis ku sameyn doonta qiimaha korontada dalka.
  7. Go’aankan ma saameyn doono ganacsiga shidaalka ee salfarkiisu ka yar yahay 500 PPM, maadaama uu khuseeyo oo kaliya shidaalka shirkadaha korontada, wakaaladaha biyaha, iyo warshadaha wax soo saarka ee muhiimka ah.
  8. Qodobada go’aankan ayaa lagu hirgelin doonaa muddo 30 maalmood ah, laga bilaabo 4 Nofembar 2025 ilaa 3 Diseembar 2025.

Loading...
Loading...