Wasiirka Warfaafinta JSL oo Ku Baaqay Midnimo iyo Wadajirka Qaran
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa si qoto-dheer u sharaxay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-duubnida, midnimada, iyo wadajirka bulshada. Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland ay tahay qaran madax-banaan oo xornimadiisa qaatay sannadkii 1960, isla markaana ay lama huraan tahay in la ilaaliyo wadajirka si loo dardar-geliyo horumarka iyo geeddi-socodka aqoonsiga caalamiga ah.
Wasiir Axmed Yaasiin ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad loo qabtay hal-abuurka iyo bahda suugaanta Somaliland waxaanu tilmaamay in kulankani yahay fursad lagu xoojinayo wadajirka bulshada, isla markaana uu muujinayo u diyaargarowga sidii cadawga inagu taamaya loo fashilin lahaa, sidoo kalena loo taageeri lahaa mustaqbalka midnimada iyo horumarka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Somaliland waa qaran jira oo dhibaatadiisa ka soo gudbay, marka qaranka Somaliland laga hadlayno iyo madaxbanaanidiisa, waa xornimadii aynu 1960kii ka qaadanay Ingiriiska”
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray "Markii aynu dib ula soo noqonay madaxbanaanideeni aynu hore u qaadanay 960. Cid kale maynaan dulmiyin ee aayaheena ayaynu ka tashanay, markaa waa in la adkeeyo isku duubnida iyo Midnimada dhaxdeena iyo wadajirkeena.
Madashani waa kulan aynu ku dardargalinayno in aynu qayb ka noqono aqoonsiga kaabiga soo saaran in uu midho dhal noqdo oo aynu u diyaargarawno in aynu fashilino cadawga inagu taamaya”.


0 





