Madaxweynaha Qaranka oo Daah-Furay Shirweynaha Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Maalgashiga Somaliland, oo lagu qabtay Hotel Sarovar Premier Caasimadda Hargeysa, kaas oo ah madal ballaadhan oo lagu wajahayo horumarinta dhaqaalaha dalka, isla markaana socon doona muddo laba cisho ah, shirkaasi waxa uu isu keenay maalgashadayaal ka kala yimid 23 dal oo ay igu mudan yihiin Waddammada Geeska Afrika.
Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay Maalgashadayaasha iyo Wafdiyada ganacsi ee ka kala socday 23 dal oo Caalaka ah, kuwaas oo si firfircoon uga qayb galay Shirweynaha Maalgashiga Somaliland.
Shirweynaha Maalgashiga Somaliland waxa si heer sare ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo kaashanaysa Wasaaradda Madaxtooyada JSL.
Madaxweynaha oo Munaasibadda ka jeediyey hadal qiimo leh, ayaa si qoto dheer uga hadlay fursadaha maalgashi ee ballaadhan ee ka jira dalka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Xoolaha nool, Kalluumaysiga, Beeraha, Tamarta, iyo Tiknoolajiyadda casriga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in dalka Somaliland uu leeyahay wax kasta oo uu ku soo dhiirran karo maalgashadahu, sida amni iyo xasillooni buuxda, nidaam Dawladeed oo Dimuqraadi ah, deggenaansho siyaasadeed, shuruuc iyo xeerar fududaynaya hawlaha maalgashiga iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, xoog shaqaale oo xirfad iyo aqoon leh iyo bulsho dhaqan u leh soo dhawaynta cid kasta oo dalkooda maalgashanaysa.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso abuurista jawi maalgashi oo hufan, furan oo dhiirrigelinaya iskaashi u dhexeeya Dawlad iyo ganacsiga gaarka looleeyahay (Public-Private Partnership), isla markaana kor u qaadaya horumarka iyo shaqo-abuurka ummadda Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Shirkadda DP World oo ahayd tii ugu horreysay ee ku dhiirratay in ay maalgeliso Dekedda Caalamiga ah ee Berbera iyo Aagga Dhaqaalaha Madaxa Bannaan ee Berbera (Berbera Economic Free Zone), taasi oo indhaha Dunida ku baraarujisay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Shirweynaha Maalgashiga Somaliland uu yahay madal muujinaysa kalsoonida uu Caalamku ku qabo mustaqbalka dhaqaale iyo ka siyaasadeed ee Somaliland.
Shirkan Maalgashiga Somaliland ayaa ah mid taariikhi ah oo albaabada u furaya iskaashiga iyo is-dhexgalka dhaqaalaha Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba, iyada oo Somaliland ay soo bandhigtay aragti cad iyo qorshe istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo nolosha shacabka Somaliland.


0 





