"Dunidu Maanta Waxa ay ku Socotaa Isbedel Degdega, Sidaas Darteed Waa in aynu la Jaan-qaadnaa "

0
Monday November 03, 2025 - 12:00:23 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dunidu Maanta Waxa ay ku Socotaa Isbedel Degdega, Sidaas Darteed Waa in aynu la Jaan-qaadnaa "

    Wasiir Axmed Yaasiin ayaa u mahadceliyay shaqaalahaasi, isagoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Axmed Yaasiin ayaa u mahadceliyay shaqaalahaasi, isagoo



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in uu mudada uu xilka hayo diiradda saari doono kor u qaadista aqoonta iyo tayada shaqaalaha wasaaradda.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad lagu maamuusayay ku dhawaad 50 shaqaale oo ka tirsan wasaaradda kuwaas oo sanadkan ka qalin jabiyay jaamacadaha dalka, kana baxay heerarka koowaad iyo labaad ee waxbarashada jaamacadeed.

Wasiir Axmed Yaasiin ayaa u mahadceliyay shaqaalahaasi, isagoo sheegay in dedaalkooda iyo guulahooda waxbarasho ay mudan yihiin bogaadin iyo dhiirigelin, islamarkaana uu rajaynayo in Alle u fududeeyo hawlahooda shaqo iyo adeegga ay bulshada u hayaan.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Warfaafintu ay ka mid tahay wasaaradaha halbawlaha u ah qaranka, isla markaana ay muhiim tahay in ay haysato shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh si ay si hufan u gutaan xilka qaranka ay u hayaan.

"Marka la kordhiyo aqoonta shaqaalaha, si toos ah ayaa u kordhaya wax-soo-saarka iyo tayada shaqada wasaaradda,” ayuu yidhi Wasiirku, isagoo intaas ku daray in uu go’aan ku gaadhay in inta uu xilka hayo uu xoogga saaro horumarinta xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in dunida maanta ay ku socoto isbeddel degdeg ah, sidaas darteedna Somaliland ay tahay inay isku diyaariso la jaanqaadka isbeddelkaas. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha wasaaraddu ay yihiin kuwa door muhiim ah ka qaadanaya wacyigelinta bulshada iyo difaaca magaca Somaliland, gaar ahaan marka ay timaaddo dacaayadaha laga faafiyo baraha bulshada.

Wasiir Axmed Yaasiin ayaa intaas ku daray in shaqaalaha wasaaraddu yihiin "difaacayaasha qaranka ee aan ku hubaysnayn qoryo balse ku difaaca afkooda iyo aqoontooda,” isagoo xusay in shaqadoodu tahay quudinta maskaxda iyo indhaha shacabka.

"Waxaan nahay ciidan aan hub sidan balse ku hubaysan aqoon iyo xirfad, waxaan u adeegnaa danta qaranka, waana masuuliyiin maskaxda bulshada quudiya,” ayuu yidhi Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Wasiirka wasaaradd warfaafinta ayaa xusay in siyaasada ay ka wasaarad ahaan qaateen tahay u adeegista qaranka sidoo kale na warbaahinta dawladu ay baahin karaan hadalada mucaaridka ee dhalishada dawlada waxana uu ku sifeeyey in dhaliishu tahay toosinta qalooca dawlada.


Loading...
Loading...