Banka Wajaale: Astaanta Horumarka Beeraha JSL
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay sida ay uga dhabaynayso go’aankeeda ku wajahan hirgelinta himilada iyo siyaasadda Madaxweynaha ee la xidhiidha horumarinta beeraha, isku-filnaanshaha cuntada, iyo dib u soo nooleynta rajada iyo dhaqaalaha dalka.
Tallaabooyinkan geesinimada leh waxay caddeynayaan in Xukuumadda Somaliland ay si dhab ah u qaaday jidka isku-filnaanshaha iyo horumarka qaranka, iyadoo si qotodheer u fahansan in beeruhu ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee mustaqbalka dhaqaale ee dalka, waxay si rasmi ah u hirgelisay mashruuca Banka Wajaale oo astaan u ah isku-duubni, hal-abuur, iyo himilo qaran.
Dhagax-dhigii uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ka sameeyey Mashruuca Horumarinta Beeraha Banka Wajaale ayaa calaamad u ah bilow cusub oo muhiim ah oo ka dhigan dib u nooleynta dhaqaalaha iyo cunto-soo-saarka gudaha ee dalka.
Mashruucan ballaadhan oo ay hirgelinayso Hay’adda Pharo Foundation qaybteeda Pharo Ventures, ayaa ah kii ugu weynaa ee muddo lixdan sanno ka badan laga hirgeliyo gobolka, gaar ahaan Degmada Tog Wajaale, oo caan ku ahayd dhul-beereedkeedka iyo xoolo-dhaqashada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xusay in mashruucani yahay "mid qaran ahaan muhiim u ah” maadaama uu horseedayo sugnaanshaha cuntada, shaqo-abuur bulsho, iyo ilaalinta deegaanka.
Mashruucan waxa lagu dhisi doonaa nidaam casri ah oo ku salaysan tignoolajiyadda beeraha, waraabka iyo biyo-xidheenno joogto ah, kuwaas oo kordhin doona wax-soo-saarka gudaha isla markaana yareyn doona ku-tiirsanaanta dalka ee dalagga dibadda laga keeno.
Mashruuca Banka Wajaale waxa uu si toos ah u taaban doonaa kumannaan qoys oo ku nool Wajaale iyo nawaaxigeeda iyo guud ahaan nolosha bulshada reer Somaliland, isaga oo abuuraya shaqooyin, kobcinaya dhaqaalaha deegaanka, isla markaana dhiirrigelinaya beeralayda yaryar inay u wareegaan hab beer-falasho oo casri ah.
Natiijooyinka iyo Falanqaynta
- Casriyeynta Beeraha iyo Sugidda Biyaha
Mashruucani waxa uu hirgelinayaa nidaam waraab casri ah, biyo-xidheeno waara, iyo hab beeris joogto ah. Tani waxay yareyn doontaa halista abaaraha, waxayna kordhin doontaa wax-soo-saarka iyo isku-filnaanshaha cuntada ee dalka.
- Calafka Xoolaha iyo Kobcinta Dhaqaalaha Miyiga
Qayb muhiim ah oo mashruuca ka mid ahi waa soo saarista calafka xoolaha, taas oo si toos ah u taageeraysa dhaqaalaha xoolo-dhaqatada. Tani waxay dhisi doontaa silsilad qiimo leh (value chain) oo isku xidha beeralayda iyo ganacsatada.
- Ilaalinta Deegaanka iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada
Mashruucani waxa uu diiradda saaraya ka hortagga nabaad-guurka iyo carro-guurka, iyadoo la samaynayo dhir beeris, hab waraab casri ah iyo maarayn deegaanka ah. Tani waxay si toos ah ula jaanqaadaysaa hadafyada caalamiga ah ee Yoolalka Horumarka Waara (Sustainable Development Goals), "SDG 13 iyo SDG 15” kuwaas oo ah tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah si loo yareeyo khataraha iyo saameynta isbeddelka cimilada (climate change), isla markaana lagaga hortago masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha, iyo duufaannada.
- Maamulka iyo Iskaashiga Hay’adaha
Iskaashiga ka dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Pharo Foundation waxa uu tusaale u yahay sida iskaashi dawladeed iyo mid gaar ah (PPP) loo adeegsan karo si wax-ku-ool ah. Pharo Foundation waxay horey uga hirgelisay Somaliland mashaariic guulaystay oo dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha ah, taas oo kalsooni gelisay bulshada iyo hay’adaha dawladda.
- Talooyin Siyaasadeed (Policy Implications)
Mashruuca Banka Wajaale waa tusaale nool oo ku dayasho mudan, ku saabsan isku dhafka iskaashiga dawlad iyo hay’adaha gaarka ah (PPP) ee horumarinta miyiga.
Gabagabo
Mashruuca Horumarinta Beeraha Banka Wajaale waa tiir muhiim ah oo ka mid ah dadaallada xukuumadda Somaliland ee lagu dhisayo mustaqbal waara, dhaqaale isku-filnaasho bulsho iyo adkaysi. Mashruucani waxa uu astaanta u yahay isbedelka cusub iyo horumarka Beeraha Somaliland. Waa mashruuc si weyn kor ugu qaadaya koboca wax-soo-saarka beeraha iyo cuntada, shaqo-abuurka, iyo ilaalinta deegaanka.
Sidaa darteed, waxa uu astaan u noqonayaa marxalad cusub oo Somaliland u horseedaysa horumar waara oo ku dhisan aqoon, tignoolajiyad, iyo maamul hufan. Sidoo kale, dhagax-dhigga Mashruuca Horumarinta Beeraha Banka Wajaale waa farriin cad oo ka turjumaysa riyada qaranka ee ku saabsan horumar waara iyo isku-filnaansho. Waa bilow cusub oo muujinaya in Somaliland aanay ku tiirsanaan doonin keliya ganacsiga iyo xoolaha, balse ay si dhab ah u maalgelinayso beeraha oo ah il muhiim u ah oo nolosha, shaqada iyo nabadda ay bulshadu ku taagan yihiin.


0 





