"Dekedda Berbera ee JSL oo Noqontay Xarun Muhiimad Weyn u leh Isku-Xidhka Bariga Dhexe iyo Aasiya"

0
Saturday November 01, 2025 - 15:21:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dekedda Berbera ee JSL oo Noqontay Xarun Muhiimad Weyn u leh Isku-Xidhka Bariga Dhexe iyo Aasiya"

    Warbixinta ayaa qorshahan cusub ee DP World ku sifaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta ayaa qorshahan cusub ee DP World ku sifaysay



Warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan BBC-da, ayaa faallo iyo falanqayn ku sameysay istiraatiijiyadda cusub ee ganacsi iyo marin-biyood ee ay dhawaan soo bandhigtay shirkadda DP World, taasoo isku xidhaysa Dekedda Jebel Ali ee Imaaraatka Carabta iyo Dekedda Berbera ee Somaliland. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn ee kaabayaasha ganacsiga iyo istiraatiijiyadda badda ee Geeska Afrika.

Warbixinta ayaa qorshahan cusub ee DP World ku sifaysay tallaabo lagu doonayo in kor loogu qaado awoodda maraakiibta ganacsi ee gobolka, iyadoo Berbera ay noqonayso xarun muhiim ah oo si toos ah ugu xidhan dekedda Jebel Ali, taasoo ka dhigaysa waddada ganacsi ee labada dekedood mid degdeg ah oo ammaan ah. BBC-da ayaa tilmaantay in isku xidhka dekedahan uu dhiirigelin doono maalgashiga, ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha waddamada Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in qorshahan uu leeyahay saameyn istiraatiiji ah oo caalami ah. "Waxaa la filayaa in uu yareeyo kharashka maraakiibta, isla markaana uu kordhiyo xawaaraha dhoofinta, sidoo kalena uu xoojiyo xidhiidhka ganacsi ee Imaaraatka iyo Somaliland, iyadoo sidoo kale lagu eegi doono doorka istiraatiijiga ah ee dekedaha Geeska Afrika ee tartanka badda iyo ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaamtay in DP World ay door muhiim ah ka ciyaarayso xoojinta isku xidhka ganacsi ee gobolka, islamarkaana Dekeda Berbera ay noqonayso xarun istiraatiiji ah oo lagu taageero ganacsiga caalamiga ah ee u dhexeeya Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya. Waxa kale oo ay tilmaantay in tallaabadani ay ku dhiirrigelinayso dalalka gobolka inay maalgashi ku sameeyaan horumarinta kaabayaasha dekedaha iyo ganacsiga badda.

 


Loading...
Loading...