Dhalinyaro Shahaado Sharaf Ku Maamusay Gudomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland

0
Wednesday July 31, 2019 - 17:31:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro Shahaado Sharaf Ku Maamusay Gudomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland

    Hargaysa (HWN) Ardayada shaqaalaha dawladda Somaliland ee waxbarashada heerka kowaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Ardayada shaqaalaha dawladda Somaliland ee waxbarashada heerka kowaad

iyo heerka labaad (Bachelor Degree 'Master Degree) ee so dhameeyay jaamacada shaqaalaha dalka Ethiopia (Ethiopian Civil Service) ayaa maanta loo qabtay munaasibad qado sharaf ah oo gudomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe Ku Maamusay oo uu kaso qayb galay Madaxwayne Ku Xigeenka JSL cabdiraxmaan Saylici ayaa halkasi uga mahad naqay cidkasta oo guushoda garab istaagtay iyo xukuumada JSL oo dadaal dheerad ah galisay siday sidii ay uso dhamayn lahaayeen waxbarashadaasi dalka dibadiisa ay ugu baxeen.




Dhalinyaradan ayaa shahaado sharaf ku maamysay Gudomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Nuux Maxamed Xuseen oo ay u garteen ka dib markii xil u magacaabay mid ka mida dhalinyaradan shaahadada Heerka Labaad ka soo dhamaysay jaamacada shaqaalaha dallka Ethiopia gudomiyaha ayaa ay ku tilmaamen inuu yahay masuul karti iyo dadaal badani ka muuqdo isla markaana uu dhiiri galin u sameeyay dhalinyarada aqoonta soo bartay isla markaana uu yahay masuul ku dayasho mudan oo kasoo baxay waajibadkiisi shaqo ee ahaa sinaan iyo cadaalad in bulshada loogu adego.


Gudomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Nuux Maxamed Xuseena Ayaa inta Badan kor u Qaaday Shaqada Ay Guddida Qandaraasyadu U Hayaan Qaranka JSL Oo Bulshada Inteeda Badani Mahadisay.


Gagabagabadii Gudomiyaha Guddida Qandaarasyada Qaranka JSL Oo Goobta Xaflada Aan Ku Sugnayn Isla Markaana Hawlo Shaqo Ku Maqnaa Ayaa Waxa Dhalinyaradu Gudomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladd Farxaan Aadan Haybe Ka Codsadeen Inuu Shahaado sharaftan U Gudomo Gudomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Oo Ay Gurtaan Sido Kale Muunasibadan Waxa Ku Sugnaa Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaacil Saylici.

 

Loading...
Loading...