"Aan Ka Shaqeyno Walaal-Nimadda iyo Nabadda"
Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo ka mid culimada waawayn ee Somalida ayaa maanta qudbadii Salaada Jimce Maasjidka Hudda ee magaalada Boorama ku soo qaatay sida ay diinteena Islaamku u dhiirigalisay Nabada.
Sheekh Shaaweer ayaa madawaxanaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey sida gogoshii nabadeed ee horaantii sanadkan uu dhigay magaalada ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag taasi oo safar dhinaca cirka ah oo madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ku tagay magaalada Ceergaabo Salaasadii la soo dhaafay lagu soo gabogabeeyey.
”Waxan xasuusanahay maanta in dawladii bari joogto, madaxwaynuhu wuu tagay maracad ayuu qaatay, maradacadi waa nabad-galyo gobolka sanaag waan u ducanaynaa ALLE ha waafajiyo wanaaga, waa loo duceeyaa meelkasta oo nabad laga wado”ayuu yidhi sheikh Saaweer.
Sheekh Maxamed Saaweer ayaa waxa uu sheegay in qof kastaa uu sido risaalo waxana uu guud ahaan bulshada reer Somaliland faray in ay u qaataan Go,a Cad meelkasta oo ay ka jirto muran Isfahanwaa si bulshada loogu soo dabaalo nidaamka nabad kuwada noolaanshiyaha, waxa kale oo uu intaasi ku daray inay lagamamaar maan tahay in xukuumada lagu taageero dadaalada nabadeed ee ay waddo.
Sheekha ayaa ku dheeraaday sida Diinta Islamku ay u dhiirigalisay Nabada taasi oo qof kasta looga baahan yahay inuu garab istaago isla markaana ka shaqeeyo walaalnimada bulshada dhexdeeda iyo sidoo kale inuu ka wacyigaliyo waxkasta oo shacabka walaalaha ah kala fogaynaya.
Sheikh Maxamed Saaweel ayaa Madaxda, Culimada, Bahda dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee uu horkacayey Madaxwaynaha Somalialnd Cabdiraxmaan Ciro ee ka qaybgalay shirkii gogosha Nabadeed ee magaalada Ceergaabo ku sifeeyey in uu ahaa shaqo dunida korkeeda laga qabto tan ugu qaalisan ee Diinteena Islamka dhiirigalisay oo ah Nabada taasi oo xataa ka horaysa Imaanka.
Geesta kale Sheekh Maxamed Siciid Saaweel ayaa waxa uu xukuumad ugu baaqay in si la mid ah dadaalada nabadeed ee loo waajahay khilaafaadkii gobolada bariga Somaliland laga hawlgalo sidii loo soo afjari lahaa xiisadaha ka soo cusbuunaaday gobolada galbeedka gaar ahaan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal.
” galbeena sidaas oo kale ayaa loo baahan yahay, galbeed weligii nabad ayuu ahaan jiray, dadku waxay ahaayeen dad is jecel oo walaalo ah balse hadda shaydaan ayaa ka faa’iidaystay, waxa loo baahan yahay intaan qaadano Go’yaal cadcad inaan tagno”sheekh Saaweel.
Gabobabadii Waxa uu sheekhu ugu baaqay bulshada kuwada dhaqan deegaanada waqooyiga Somaliland inay danaha, walaalnimada, wada noolaanshiyaha iyo horumarkoodu ku jira Nabada oo ay ilaashadaan, waxa kale oo uu warbaahinta ugu baaqay inay ka shaqeeyaan isku soo dhaanshiyaha bulshada walaalaha ah ee wada degan isla markaana ay ka fogaadaan wararka turxaanta leh ee kala qaybinaya Bulshada gobolka Salal.


0 





