Xukuumadda JSL oo Bilowday Abaal-Marinta Biladda Madaxweynaha ee Halabuurka iyo Dhalinyarada JSL
Go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee lagu hirgelinayoAbaalmarinta Madaxweynaha ee Hal-abuurka Teknoolajiyada iyo Dhalinyarada Somaliland, ayaa ahtallaabo qaran iyo hoggaamin togan oo geesinimo leh, taas oo ka turjumaysa aragti siyaasadeed oo fog iyo faham qoto dheer oo ku saabsan horumarinta mustaqbalka Somaliland oo ku dhisan aqoon, hal-abuurnimo iyo horu-socod dijitaal ah.
Abaalmarintan heerka qaran ah ee Madaxweynuhu ku maamuusayo hal-abuurka ayaa dhalinyarada loogu samaynayaa taageero maaliyadeed oo ay ku horumariyaan hibadooda. Tallaabadani maaha oo keliya dhiirrigelin, balse waa farriin cad oo uu Madaxweynaha Somaliland u dirayo dhalinyarada dalka, taas oo da’yarta reer Somaliland xasuusinaysa in hal-abuurka, fikradda cusub iyo aqoonta teknoolajiyada ay yihiin fursado nolosha wax ka bedela isla markaana abuura koboc dhaqaale, shaqo-abuur iyo adeegyo bulsho oo casri ah.
Tani waa markii ugu horraysay ee hoggaamiye Somaliland ahi si rasmi ah u abuurayo hannaan joogto ah oo lagu maamuuso, lagu dhiirrigeliyo, laguna maalgeliyo hal-abuurka dhalinyarada. Waa aragti siyaasadeed oo u dhiganta qaababka dowladaha casriga ah ee dunida horumaray ay ku dhiirrigeliyaan hal-abuurka iyo tignoolajiyada, taas oo lagu yaqaan dalalka horumarka gaadhay sida Maraykanka, Ingiriiska Singapore, Finland iyo South Korea.
Somaliland oo muddooyinkan dambe ku tallaabsanaysay horumar ballaadhan oo dhinaca tignoolajiyada iyo maamulka casriga ah, waxay tallaabadan ku muujinaysaa in ay si dhab ah u qaadatay qorshaha mustaqbalka dhijitaalka ah. Hal-abuurka dhalinyaradu waa furaha lagu gaadhi karo isbeddel dhaqaale oo waara, waxaanu Madaxweyne Cirro si geesinimo leh u muujiyey in dowladnimadu aanay ku koobnayn ilaalinta xasiloonida, balse ay tahay in la abuuro jiil hal-abuure ah oo hoggaamiya hal-abuurka qaranka.
Abaalmarintani waxa ay dhalinyarada siinaysaa dhiirrigelin maaddi ah iyo mid ruuxi ah, iyadoo u abuuraysa madal lagu dhiirrigeliyo hal-abuur cusub oo tignoolajiyadeed, laga bilaabo barnaamijyo (apps) iyo adeegyo dijitaal ah, ilaa xalal farsamo oo wax ka beddeli kara adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo maamulka dawladda.
Falanqaynta wargeyska Dawan waxay bogaadinaysaa tallaabada geesinimda leh ee uu qaaday Madaxweynaha Somaliland, taas oo ah go’aan taariikhi ah oo la jaan-qaadaya waqtiga. Somaliland waa dal dhalinyaro badan leh, waxaana ay u baahan yihiin hoggaan u arka hal-abuurkooda mid qaranka hanti u ah, sida uu hadda sameeyey Madaxweyaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Marka laga hadlayo maanta waddamada Dunida ee horumaray, awoodda dal lagu qiimeeyo maaha inta uu leeyahay khayraad dabiici ah, balse waa inta uu leedahay hal-abuur iyo aqoon tignoolajiyadeed oo wax beddeli karta. Tallaabadan ayaa Somaliland gelinaysa safka hore ee dalalka Afrika ee u socda dhanka hal-abuurka iyo tignoolajiyada casriga ah.
Go’aanka Madaxweynaha Somaliland wuxuu tusaale u yahay hoggaan khibrad iyo waayo-aragnimo ku dhisan, isbeddel doon ah, dhiirrigelinaya dhalinyarada oo aaminsan kartidooda, una abuuraya madal ay ku muujiyaan hibadooda, awooddooda iyo hal-abuurkooda. Waa tallaabo u qalanta in lagu ammaano, laguna xuso joornaalada caalamiga ah ee qiimeeya hoggaaminta casriga ah iyo siyaasadda ku dhisan hal-abuur iyo mustaqbal dijitaal ah.
Somaliland waxay haysataa hoggaamiye daacad ah oo si qoto-dheer u fahmsan in mustaqbalka iyo horumarka qaranku ay ku xidhantahay awoodda dhalinyarada iyo tignoolajiyada, waana halka ay ka bilaabamayso xaqiijinta riyada qaranka iyo rejada shacabka Somaliland.


0 





