Doorashada Golaha Maamulka Diridhaba Oo Dib Loo Dhigay + Sababta

0
Wednesday July 31, 2019 - 16:06:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Golaha Maamulka Diridhaba Oo Dib Loo Dhigay + Sababta

    Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa isku raacay in dib loo dhigo doorashooyinkii ismaamul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa isku raacay in dib loo dhigo doorashooyinkii ismaamul magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba kaddib markii guddiga doorashooyinka ay codsadeen in wakhti dheeraad ah la siiyo si ay isugu diyaariyaan doorashada.

 

Doorashada golaha ismaamul magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba ayaa lagu waday in la qabto sannadkan balse hadda waxaa loo asteeyay inay dhacaan sannadka soo socda oo ay Itoobiya ka dhici doono doorasho guud.

 

Waa markii labaad oo dib loo dhigo doorashada golaha maamulo magaalooyinkaas, sannadkii lasoo dhaafay ayaa dib loo dhigay markii qalalaase siyaasadeed ay halkaasi ka dhaceen.

 

BBC


Loading...
Loading...