Huteel aad Ka Helayso Cuntooyinka Noocyadeeda Kala Duwan Oo Hargaysa Lagaaga Furay

0
Wednesday July 31, 2019 - 14:13:53 in News by
  • Visits: 4245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Huteel aad Ka Helayso Cuntooyinka Noocyadeeda Kala Duwan Oo Hargaysa Lagaaga Furay

    Huteel aad Ka Helayso Cuntooyinka Noocyadeeda Kala Duwan Oo Hargaysa Lagaaga Furay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Huteel aad Ka Helayso Cuntooyinka Noocyadeeda Kala Duwan Oo Hargaysa Lagaaga Furay

Hargaysa(HWN)Huteel Casri ah oo laga helay cuntooyinka Noocyadeed kala duwan ayaa maanta waxa Laga Furay Magalaada Hargaysa kaas oo loogu Magac Daray Horseed Restaurants.




Furitaanka hudheelkan u gaarka ah cuntooyinka Noocyadeeda kala duwan oo kuuna Furan ilaa laba iyo toban Habeeno ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood mulkiilaha Huteelka Ku Amaanay sida uga dhabeeyay Baahida Ay Xaafadu Xero Awr U Qabtay Hudheel Casri ah.



Hudheelka ayaa waxa uu ku yalaa Xaafadda Xero Awar waxaana u ka soo horjeedaa Bussines Center waxaanad arkaysaa Boodhkiisa Bilicda San ee ay ku xardhan yihiin Magaca Huteelka Ee Horseed.



Huteelkan ayaa waxa dhamaan Laga Helayaa Cuntooyinka Noocyadeeda Kala Duwan waxaana uu Macaamiishiisa ugu baaqayaa in cuntooyinkiiu ay yihiin qaar Qiimo Jaban ah isla markaasina Raali-galin Doono Macmiilka.



"Waxaan leeyahay illaahay ha barakeeyo Huteelkan quruxda badan ee aynu furitaankiisa u joogno. Waan idiinka mahad-celinaynaa maalgashiga quruxda badan iyo shaqo-abuurka aad samayseen ee Allaah ganacsigii barakooba haka dhigo.” Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah Masuuliyiintii Madasha ka soo qayb galay.


Maamulaha Guud ee Huteelka Horseed Maxamed Cabdi Cumar ayaa sheegay in Furintaankii Maanta Cuntooyinka Kala Duwan ee ay bixiyeen Hudheelku dhamaantood ay ahaayeen qaar Bilaa Lacag ah kaas oo loogu tallo galay in macaamiisha Hudheelka Lagu Soo Dhaweeyo.



"Hudheelkan aynu maanta Furnay waxa weeyaan hudheel cajiib ah oo u dhigmaya dhuheeladda waawayn ee somaliland waxaanu haynaa cuntooyinka noocyadiisa kala duwan oo macmiilka raali galin doono qiimaha aanu ku iibin doonaan maaha mid ay bulshadu ka soo caban doonto waa mid bulshadu ay mahadin doonto.


Hudheelka Horseed ayaa waxa uu hudheeladda kala kaga duwanaan doonaa inaad ka helayso cuntooyinka Noocyadiisa kala duwan oo dhamaantood ah qaar daray ah oo naftaadu ay ku raaxaysan doonto inta aad ku sugan tahay gudaha hudheelka.


Loading...
Loading...