Safiirka Somaliland U Fadhiya Waddanka China Oo Maal-gashadayaasha Shiinaha U Bandhigay Fursadaha Yaala Somaliland.

0
Wednesday July 31, 2019 - 13:14:49 in News by
  • Visits: 3409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland U Fadhiya Waddanka China Oo Maal-gashadayaasha Shiinaha U Bandhigay Fursadaha Yaala Somaliland.

    Safiirka Somaliland U Fadhiya Waddanka China Oo Maal-gashadaaya Shiinaha U Bandhigay Fursadaha Yaala Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland U Fadhiya Waddanka China Oo Maal-gashadaaya Shiinaha U Bandhigay Fursadaha Yaala Somaliland.


Hargaysa(HWN)Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka China Awil ibrahim ali ayaa sheegay inuu maal-gashadayaasha waawayn eek u sugan waddanka china uu hor dhigay fursadaha maal-gashi ee somaliland ka banaan sida loogu baahan yahay in ay maal-gashadaan.




Safiirka ayaa sheegay inuu shirkaddaha danaynaya in ay maal-gashadaan somaliland uu warbixin faah-faahsan ka siiyay amniga iyo sida ay hantidooda ugu halayn karaan madaama oo somaliland tahay waddan madax banaan oo ay ciidankiisu amaankiisa gacanta ku hayaan.


Qoraal faah-faahsan oo uu kaga warbixinayo safiirku kulamadda uu shirkaddaha la yeeshay iyo sida ay ugu farxeen ayaa waxa uu u dhignaa sidan.




Waxaan dhawaanahan booqasho ku joogay gobolka SHANDONG ee dhaca bariga dalka shiinaha,Dadka ku nool gobolkaas waxaa lagu qiyaasaa 99.47 million.


Mudadii aan joogay waxa ii suurto gashay inaan la kulmo shirkado badan oo intoda badan danaynaya inay maalgalin ku sameeyaan AFRICA.



Waxaan war bixin ka siiyay guud ahaan Jamhuuriyada SOMALILAND gaar ahaana fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira jamhuuriyada SOMALILAND iyo khayraadka dabiiciga ah ee faraha badan ee dalkeena ku jira, iyo waliba sidaan ka dowlad ahaanusoo dhawaynayno cid waloo jecel inaanu wax wada qabsano ama aanu wada shaqayn yeelano.


Dhinaca kale waxaan booqday Television ka gobolka oo aan waraysi kooban siiyay.



Waraysigaas oo aan ugaga waramay taariikhda Jamhuriyada SOMALILAND iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexaysay SOMALILAND IYO SHIINAHA.


Waxaan uga waramay badmaaxi (navigator/sailor) chinese ka aha ee caanka aha ZHENG HE (鄭和)

Inuu 600 oo sano ka hor soo booqday SOMALILAND wakhtigaas oo ay wadankaa shiinaha ka talinaysay boqortooyadii MING DYNASTY 


.


Iyadoo isla markaana ahayd markii ugu horaysay ee badmaaxu soo booqdo EAST AFRICA tariikhdu markay ahayd 1405.


Waxaa kaloo aan xasuusiyay 1971 wakhtigii uu Maxadwaynaheeni hore ee Jamhuuriyada SOMALILAND alle ha u naxariiste marxuum maxamed ibrahim xaaji cigaal uu u dooday una codeeyay dalka shiinaha ka mid noqoshadisi Qaramada midoobay UNITED NATION.



Taasi waxay ku muujinaysaa xidhiidhka wanaagsan ee soo jireen ka ah ee ka dhaxeeyey labada wadan.


SOMALILAND GUUL.

Amb. Awil ibrahim ali

Chine iyo somaliland


Loading...
Loading...