Afghanistan oo Pakistan ku Eedaysay in ay Dileen 12 qof
Afghanistan iyo Pakistan ayaa labada dhinacba uu midba midka kale ku eedeeyay colaada labada dhinac ka dhex aloosan
Maamulka Daalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sheegay ugu yaraan 12 rayid ah inay ku geeriyoodeen, kuwo kalana ay ku dhaawacmeen madaafiic ay soo rideen ciidamada Pakistan, horaantii shalay oo Arbaca ahayd.
Labada dhinac ayaa midba midka kale uu ku eedeeyay in uu bilbaabay colaadii u dambaysay ee ka qaraxday xadka Spin Boldak ee Koonfur Bari Afghanistan iyo Chaman oo dhacda Pakistan.
Wariye ka tirsan BBC oo kasoo warbixiyay marinka xadka Torkham ayaa sheegay gaadiid sida badeecado ay ku xanibmeen dhinaca Pakistan.
Kabul ayaa ku eedeysay Islamabad qaraxyo ay la beegsatay dhulkeeda, halka Islamabad ay ku dhaleeceysay inay gabbaad siinayso xagjiriin beegsada ciidamada ammaanka Pakistan.