Waa kuma Raila Odinga, hoggaamiyihii mucaaradka Kenya ee geeriyooday?

0
Thursday October 16, 2025 - 14:50:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Raila Odinga, hoggaamiyihii mucaaradka Kenya ee geeriyooday?

    Raila Odinga waxa uu ahaa nin aad uga soo dhex muuqday siyaasadda Kenya ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raila Odinga waxa uu ahaa nin aad uga soo dhex muuqday siyaasadda Kenya ..



Raila Odinga wuxuu ku dhashay Cisbitaalka Maseno Church Missionary Society Hospital, ee Maseno, Degmada Kisumu, ee Gobolka Nyanza 7 Jenawari 1945. Sidoo kale taageerayaashiisu waxayu yaqaaniin Agwambo, waa siyaasi Kenya caan ka ahaa muddo dheer.

Raila oo ahaa 80 jir ayaa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta dimuqraadiyadda xisbiyada badan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Kenya.

Wuxuu ahaa Raysal-wasaarihii ugu dambeeyay ee Kenya, Waxaa la doortay 2008, waxaanu hogaaminayay dawlad wadaag ah 2008 ilaa 2013.

Raila Odinga waxa uu ahaa nin aad uga soo dhex muuqday siyaasadda Kenya iyo Afrika, isaga oo dhiirri galiyay jiil dhan oo qaaradda ah.

Waxaa uu dhawaan u tartamay xilka gudoomiyaha midowga Afrika oo markii dambe uu ku guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo hadda gudoomiyaha midowga Afrika.

Odinga ayaa shan jeer ku guul darreystay tartanka madaxwaynanimada Kenya, waxaana ugu dambeysay doorashadii 2022-ka.

Raila waxaa dhalay madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee dalka Kenya, Jaramogi Oginga Odinga.

In ka badan 20 sano ayuu xildhibaan ka ahaa xaafadda isku raranta ah ee ugu wayn Afrika ee Kibera.

Mr Odinga waxa uu leeyahay dad aad u jecel, taageerayaashiisuna waxay ku naanaysi jireen "Baba” (Aabbaha), "Agwambo” iyo "Tinga” (Cagaf) – oo laga soo minguuriyay astaantii xisbigiisa ee doorashadii 1997-kii.

Waxa uu dib uga soo noqday dalka dibaddiisa ka dib markii ay dib u yagleeleen siyaasadda xisbiyada badan ka hor inta aan loo dooran xildhibaan. Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray soo afjaridda tobanaan sano oo xukunkii xisbiga Kanu ka dib markii uu taageeray Mwai Kibaki oo u tartamayey madaxtinimada 2002dii.

Markii ugu horraysay ee uu madaxweynenimo isku dayay waxay ahayd 1997-kii, markaas oo uu galay kaalinta saddexaad.

Odinga iyo taaageereyaashiisu waxay rumaysan yihiin in laga boobay guushii uu gaadhay 2007-dii, markaas oo uu hogaaminayay xisbiga ODM, isaga oo la tartamay Kibaki.

Doorashadaas ayaa ahayd middii horseedday rabshadihii qabaa’ilka ku salaysnaa ee sababay in ay dhintaan 1,300 oo ruux, kuna baro kaceen 600,000.

Wuxuu soo noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Kenya, jagadaas oo la abuuray kaddib heshiiskii qaran ee lagu gaadhay in la soo afjaro rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007-2008, halkaasoo uu dawlad awood qeybsi ah uu la dhistay madaxweyne Mwai Kibaki.

Mr Odinga ayaa ahaa siyaasi caan ku ah dhisidda isbahaysiyada siyaasadda.

Waxa uu hore u ahaa maxbuus siyaasadeed, waxaanu haystaa rikoodhka in uu yahay maxbuuskii ugu muddada dheeraa ee Kenya. Halgankii uu kaga soo horjeeday kalitalisnimada hal xisbi waxa la xidhay laba jeer (laga bilaabo 1982 ilaa 1988 iyo 1989 ilaa 1991) intii lagu jiray xukunkii Daniel Arap Moi.

Kadib isku day afgambi oo dhacay kowdii Agosto ee sanadkii 1982 dii, Raila Odinga waa la xidhay waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay khaa’inul waddannimo oo ah tii loo xidhay iyada oo an caddeyn loo hayn.

Guddiga dib u heshiisiinta iyo cadaaladda dhabta ah ayaa loo sheegay sanadkii 2011 in Odinga uu xadhiidh la lahaa maskaxdii ka dambeysay afgambiga. Odinga mar walba wuu iska diidaa in uu ku lug lahaa afgambigaas.

Waxa uu xidhnaa lix sano ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa isku daygii afgambi ee 1982-kii, ka dibna mar kale ayaa loo xidhay in uu dabada ka riixayo dimoqraadiyad hoos timaada xukunka hal xisbi

 


Loading...
Loading...