Doorkii Siyaasigaa Ee Dhalinyarudu Wuu Maqan Yahay.

0
Wednesday July 31, 2019 - 11:13:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorkii Siyaasigaa Ee Dhalinyarudu Wuu Maqan Yahay.

    Doormihiima kuma laha Siyaasada Dalka Dhalinyarada oo ah mustqabalka Dalka iyo Dadkaba,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doormihiima kuma laha Siyaasada Dalka Dhalinyarada oo ah mustqabalka Dalka iyo Dadkaba,

waxa jira dhalinuaro badan oo aqoon yahan ah, wax jira kuwo Maskax furan oo leh Hal-abuur iyo Curinba sidaasi oo ay tahay haddana malaha kaalin Siyaasadeed oo muuqata, Door mihiimana kuma laha Arimaha ka socda Dalka gudihiisa.

 

Haddii aynu qiimayno Dhalinta ku jirta Asxaabta Siyaasada waa kuwo kooban oo aad u tiro yar, aad uga hooseeya intii loo baahnaa inay ka qaby qaataan Siyaasada dalka. Xaqiiqatan waxa jira Dhalinyaro badan oo ku soo baxay Doorashadii Xildhibaanada Goolayaasha Deegaanka ee Dalka qaarkoodna waxa ay noqdeen Maayaro iyo Gudoomiyayaal Goole Deegaan, kuwaasi oo dhamaantood ku guul daraysay Masuuliyadihii loo igmaday Sumcadii dhalinta Somaliland bahdilay, kana tagay Raad fool xun.

 

Sababta ugu weyn ee keentay faashilkaa dhalinta waxa aan u nisbaynkaraa in ay Siyaasada ka gabadeen Dhalintii kartida iyo aqoonta lahayd taasina waxa ay fursad weyn siisay kuwa maanta haya Masuuliyadihii Umada, waxa iyana Doormihiima ku leh in ay Soo baxaan Dad aad u liita Hab doorasheedka ku salaysan qabyaalada kaasi oo reebaaya dadkii labeenta ahaa ee ka turjumilahaa baahiyaha Bulsheed, Siyaasadeed, iyo Nololeedba.

 

Isku soo wada Xooriyoo waxa hadda inagu soo aadan qorshe heediina la wadaa Doorashooyinkii; Golayaasha Baarlamanka iyo Deegawnka waxaanay fursad weyn u tahay Doorashadani waa dhalinta dalka in ay is abaabulaan. Xaga horena keenaan Dhalinyaro Miidha oo ku soo bixi kara Dorashooyinkan inagu soo foodleh, Runtii fursad weyn oo ay Siyaasad ahaan ku soo bixi karaana wey u tahay guud ahaan Dhaliyarada Somaliland taasi oo lagu bedeli karo Siyaasiyiintan waa weyn ee Gaboobay.

 

W/Q: Nuuradiin Diini


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...