Waaqica Maanta ee Xisbiga KULMIYE Iyo Siyaasadda Kala Fogayn-karta SUBEER-AWAL!.
Midnimadda SUBEER-AWAL.
..............................
..............................
.........
Sannadkii 2017-kii, waxay beesha SUBEER-AWAL go'aamisay in Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen laga reebo Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Xilligaas ahaa Murrashaxii xisbiga KULMIYE, si looga fogaado kala qaybsanaan siyaasadeed oo ku timaadda beesha SUBEER-AWAL.
Waaqica maanta iyo Xisbiga KULMIYE .
In la iska indhatiro maaha waaqaca xisbiga KULMIYE dhexdiisa yaalla. Kaas oo ah in aan doorkan Guddoomiyaha xisbiga Sacad Muuse lahayn, oo Ciise Muuse leeyahay, 7 sanno Muuse Biixi Guddoomiye iyo Madaxweyne ka ahaa xisbiga oo intiisii qaatay. In uu haddana Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo Sacad Muuse ahi uu Guddoomiye noqdaa waa mid kala kaxaynaysa beel-weynta SUBEER-AWAL.
Midnimadda SUBEER-AWAL.
SUBEER-AWAL, midnimdadiisu waxay ku jirtaa in lala yimaado qorsheyaall siyaasadeed oo muujinaya tanaasul ah in aan loo hogaansamin siyaasi damiciisu lagu qanci-karin oo kala-qaybinaya midnimadda beellaha SUBEER-AWAL. Caadifadda iyo hoggaamintu-na meel ma wada-gaalan.
Hanka Guddoomiyennimo ee Maxamed Faarax.
Guddida beesha CIISE MUUSE ee (DAN IYO DUCO), waxay hore u sheegeen inay isla garteen in Dr. Maxamed Faarax Xirsi usoo xulleen beel ahaan inuu u tartamo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Arrintaasina waxay keentay in la carqalladeeyo hankiisa oo la yidhaahdo, "Maxamed Faarax xisbiga kama mid aha. Weligiina kama mid noqon."
Miisaanka Siyaasaddeed ee Xisbiga KULMIYE.
Xisbiga KULMIYE waa xisbi guun ah oo 14 Sanno tallada hayay, isla-markaana leh astaamaha xisbiyadda taariikhda hoggaaminneed ku leh caalamka. Waana xisbi balaadhan, waa xisbi wayn, waana xisbi soo-saaray siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal ku xeel-dheer hannaanka loo jaan'gooyo ee loo abqaaliyo siyaasadda lagu kasbado kalsoonida bulshada.
Si looga fogaado hagaas ku yimaada Xisbiga.
Haddii aanu jirin hiyi Ummaddaha haga, meel laguma hirto, lamana yeesho aragti iyo hadaf markaas la doonayo in la gaadho halka markaas maanka lagu hayo ee la rabo in lagu tannaado. Wadda-jirka iyo midnnimadada xisbiga KULMIYE, waxay ku jirtaa iyaddoo laga fogaado siyaasad xumo ka hor-imanaysa KULMIYE wadda-jirkiisa.
W/Q. Khaalid Xabsi.
Khaalid Cawad <[email protected]>
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...