Barbaarinta Ubadka Iyo Dhaqanka Waalidka
Diyaarintii: dagalka Hawaani; Eray tabintii iyo kaabidii: Axmed Cali Kaahin
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Dulqaad waxa uu bartaa Sabirka
ü Haddii ilmuhu ku noolaadu jawi Ammaan ah waxa uu bartaa Raaligalinta iyo Jacaylka
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Waddda shaqayn waxa uu bartaa wax Bixinta iyo Deeqsinimada.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Daah-furnaan ah waxa uu bartaa Runta.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Dulqaad ah waxa uu bartaa Cadaalada.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Ilaalinta Dareenkiisa waxa uu bartaa Ixtiraamka
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Xisaabin iyo Weerar waxa uu bartaa Beenta.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Niyada jab iyo Rabshad waxa uu bartaa Dagaalka.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Cabsi ah waxa uu bartaa Daciifnimo iyo Warwar.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi go’doon bulsheed waxa uu bartaa in uu Falaagoobo.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi ku Dheeldheelid waxa uu bartaa Khajilaada.
ü Haddii ilmuhu ku noolaado jawi Qiiro leh waxa uu bartaa Nacaynka.
üHaddii ilmuhu ku noolaado jawi Qadarin xad-dhaaf ah waxa uu bartaa in aanu Naftiisa ku tiirsanaan.
Walaakay waxa uu ii sheegay in uu caruurtiisa garaaco adaygaasi waxa uu ku abuuraa cabsi; waxaan ku idhi buu yidhi haa waa sax waxaad ku guulaysatay cabsidii, laakiin waxaad lumisay jacaylkii iyo qadarintii caruurtu kuu hayeen kee baa muhiimsan nolosha……!
Waa su’aal u taal waalid kastaa in uu ka jawaabo cadhada iyo dhibaatada waa in kala qaadaa oo mushilada iyada oo aan cadho jirin la xaliyaa. Haddii waalidku ku cadho burburo ilmaha xal muu keenin ee dhibaato kale ayuu abuuray waxaa qaba rayigaa Dr Mustafa abu Sacad oo khabiir barbaarinta caruurta ah.
Walaala’day waan canaantaa markay caruurtooda garaacayaan, waxaan ku sigtay in aan garaaco caruurtayda, waxaan ku idhi buu yidhi barbaarintu maaha buugaag badan oo la akhriyo iyo tababaro badan oo la qaato balse waa sidaad naftaada u qabato cadha dhexdeeda ee aad u hanato in aanad ilmaha niyadiisa iyo jidhkiisa dhaawicin, caruurta in ay ciyaaraan waa waxa ugu wanaagsan ee ay samayn lahaayeen ayay qabaan barbaariyaal badan.
Haddii aad cadhooto markaad caruurtaada wax u dhigayso hatuurin buugaagta ama si adag ha u duuduubin taasi waa dhambaal xun oo tilmaamaya in aanad aqoonta ixtiraam u hayn, daji cadhaada oo ahaw mid dulqaad badan. Sidaa daraadeed in aqoontu wax fiican tahay waa shidaalka kaliya ee aad ilmaha ku shubi karto si uu mustaqbalka u raadsado aqoon, aqoontu waata ka dhigaysa qof jira oo qiyam wanaagsan leh waxay aqoonta ka bilaabmataa kuna dhamaataa diinta iyo sunaha in la baro waxa kale waa nolol raadis taasi haddii ay u wacnaato ta kale iyaday daba socotaa dhaqan wanaagu waa guul kasta salkeeda diintuna waa dhaqan wanaag oo dhan.
Wax u dhigida caruurtu waa shaqo adag balse waxa ka adag in aad cadhooto markaad caruurta wax u dhigayso, ilmuhu wuu ku nacayaa waxabarashadana wuu nacayaa markaa jacayl ku abuur wuxuu ogaanayaa in uu qiime leeyahay taasina waxay ka caawinaysaa in uu waxa wanaagsan laydh ku raadiyo.
Sidaa daraadeed qadarinta iyo dhiiri galintu ilmahaaga waxay ka caawinayaa in uu dagdag wax u barto waajibaadka xalisto shaqada waxbarashada dhexdeeda hana ku badin qadarinta oo xad u yeel haddii kale wuu is dhiganayaa waa sida dawada inyar baad siinaysaa balse ciliga iyo aqoonta waa in la jeclaysiiyaa dadkiis iyo dadkiisa.
Aroortii u ducee caruurtaada oo dheh allow caruur nasii wanaagsan oo baariyiin ah oo dariiqa Allaah dahirnaaye ku toosan oo si fiican wax u barta oo waalidkood iyo dadkooda iyo dalkooda anfaca. Ducadu waa hubka ugu wayn ee qofka muslimka ahi lee yahay waana in la joogteeyaa maalin kasta markay baxayaan iyo markay yimaadaan way la qabsanayaa markay maqlaan in wanaaguudu yahay yoolka aabaha iyo hooyada, waxay fahmayaan sababta ay dunidan u joogaan in ay tahay in ay anfacaan intaa aan soo sheegnay oo naftoodu u horayso.
Barbaarin sugnaatay.
Ilmuhu inta ugu badan waxbarashda waxa uu kaqaataa hooyadii iyo aabihii in ka badan macalinka ku dadaal in aad ilmahaaga waxbarasho wanaagsan oo dhinaca dhaqanka iyo fahamka nolosha oo ka gun dheer waxbarasahda dugsiyada.
Haddii aad barto qiimaha amaanada iyo in uu aamin noqdaa waxay anfacaysaa in shaqadiisa iyo dhacdooynka nolosha aanu khiyaamayn oo aanu noqon tuug aqoon leh oo dadka qalinka ku dhaca. Kaa waxa ka wanaagsan qof aan wax baran oo dadku ku tuhmaan in uu yahay aamin, ilmahaa yaa ka mustaqbal fiican ka wax baratay ee laga cararayo.
Ilmahaaga ha ku odhan in wakhtigaagii ka wanaagsan yahay wakhtigiisa hadda waxa uu ku maqlayaa dhagtiisa, waxaanu naftiisa ku odhanayaa waxaa tahay miskiin ku nool wakhti aan haboonayn taasi waxay saamayn ku yeelanaysaa noloshiisa iyo ka qayb qaadashada nolosha cusub.
Caruurtaada gacanta qabo markaad dugsiga gaynays ilmaha u dhawaan-taasi faraxad bay ku beeraysaa, taabashada gacantaadu gacantiisa waxayna dajisaa nafta oo waa dareen hoose oo ku abuuraya awood qarsoon oo mustaqbalka caawinaysa waana sida naaska oo kale iyo gosha hooyadu oo hadda la ogaaladay in ay leedahay dareen hoose oo cilmi badan ku jiro iyo saamayn xoogan oo nolosha ah.
Dhunko caruurta markay seexanayaan ka hor una fiirso saamynta taasi ay ku leedahay naftooda, u ahaw caruurta tusoole wacan oo wanaagsan waxa uu anfacayaa mustaqbalka dambe iyo hab-dhaqankooda waxaanu isku arkayaa qof qiime leh. Haddii ilmuhu ogaado in uu qiimo leeyahay waa sirta guusha ilmaha waxayna ka caawinaysaa waanaag oo dhan waxayna ka fogaynasaa xumaan oo dhan mustaqbalka.
Marxalada ilmuha ogaalkiisu bilaabmayo waa 3 jir ilaa 10 jir waxaa badanaya su’aalaha ilmaha sidaasi daraadeed waa in aad ahaataa macalin sabir u leh ka jawaabida iyo siinta jawaabo wax ku oola waa in aanad dhibsan waxa uu doonayaa casharo nololeed oo waa qof sidii jeel ku dhex dhashay, oo wax kastaa u cusub yihiin. Wax bar oo fursadaa ha seegin dhawaan wuu dhaafayaaye haddii uu dhaafo ogaalkaa dib looma dhisi karo loomana soo celin karo maadaama marxalad kale galayo.
Marxalada ay abuurmayso saaxiibtinimadu waa 11 jir ilaa 14 jir sidaa daraadeed ahaw mid jecel oo la jira iyaga si aanad u waayin iyaga. Marxalada is aqoonsiga ee ah (ana waykan oo waan joogaa) haka dhigin mid kaa dheegmay adiga oo adiga ah ixtiraam jiritaankiisa doorashadiisa, rayi’giisa iyo dhamaan doonistiisa oo dhan balse waxaad ku kabtaa la talin, talada badana waxaa ka wacan dhiirigalin.
Marxalada xoriyada iyo guulahooda waxay ka bilaabmataa 19 jir ilaa 24 jir sii xoriyad taageerna guulihiisa oo mashruuc wax qabadna kala qayb qaado mid waxbarasho ama ganacsi. Waxaan rajaynayaa in ay gaadhay hooyo kasta iyo aabo kasta fariintani.
Caruurteenu waxay ku dhex dayacmeen tusaalaha aan la doonayno in ay ka dhabeeyaan iyo waxay waalidka ka arkayaan ee qaloocan iyo sidaan ula dhaqmayno taasi oo ka xeel dheer waxaynu doonayano buuga ugu wanaagsan ee ilmuhu akhristaa waa qaabka waalidku ula dhaqmo ilmihiisa iyo xuduuda uu u yeelo iyo dariiqa uu u jeexo taas baa noloshiisa saamyn ku leh balse waxaa saan kula doonyaa waa doonis kaliya.
Hooyada iyo aabaha mudanaw, waa in aan tusaale wacan noqonaa waxa aan nool-nahay wakhti uu ilmuhu waayay wax kasta, waa in aanay jirin saaxiibo xunxun iyo ciyaaraha aaladaha oo ay ka sii daran tahay ka dig-toonaanta caruurta jaarka ee aan fiicanayn saamayntooda.
Barbaarinteenii hore waxay ahayd dhabta hooyooyin ku soo koray guryo ka fogaa saamaynaha maanta jira sida abuurida dhibaato iyo rabitaanka dareemada ku-waasi oo ay kicinayaan waxay daawadaan taasi oo aan ka aragno dhibaatooyinka dhalinyaradu samayso sida leexasho dhinaca dhaqanka ah iyo dambiyo dhanka ficilka ah, waana waxa la doonayao in marka hore la soo dhiso iyada oo Allaah dahirnaaye la kaashanayo iyo ducada cidii Allaah dahirnaaye toosiyo uun baa toosta sidaa daraadeed Allaah doorashuu ina siiyay in aan wanaag doorano ama xumaan taasi dadkay ku xidhan tahay waana sirta nolosha Allaah u dhigay.
Waan ku celcelinayaay Sidee bay noqonaysaa nolosheedu waa in waalidiintu noqdaan tusaale, tusaale noqo aabo iyo hooyo oo bara edaabta oo waxaad bartaan xadka shareecada maadama ay is dhex-galeen xalaashii iyo xaaranaatii meelo badan. Haa waa dhab bara balse ugu gudbiya hab-dhaqankiina iyo ficiladiina balse aan ahayn in lagu qayliyo iyo hadal kali ah oo ah waxaa samee salaada tukada in aad ku tidhaa waxa ka fiican in ay ku arkaan adiga oo tukanaya ka dibna ila tukada ku dhe, waxaad maalin kasta mayso uun baa maskaxda dagaya.
Haka dhigina in ay guryaha ka baxsadaaan u duceeya oo qalbiga oo kaliya ha uga ducayninae u duceeya iyaga oo idin horjooga hanuun iyo toosnaan idinka oo dhoola caddaynaya ugana warama jacaylka aad u haysaan, oo siiya wax ka mida wakhtigiina haddii ay taasi waayaan waxay noqonyaan qaar wareersan oo raadinaya cid dhagaysata oo tilmaanta waa baahi jirta oo u baahan in loo buuxiyo,
Sidaa daraadeed dhagaysiga haddii ay waalidiinta ka waayaan waxa shaqadaasi qabanaya ciyaalka jaarka ama cida kale ee ay ku xidhmaan taasina waa halka sartu ka qudhunta khataraha iyo qaloocu ka bilaabmo markay ay cid aan u naxayn ay ka raadsadaan dhagaysi iyo talo maadaama ay nugul yihiin.waan in ay waalidiinta ku xidhan yihiin oo aanay cid kale waxba ka qaadan u ahaada aabayaal iyo macalimiin iyo saxiibo la taliyayaal u ah nolosha oo ay ku daydaan.
Gunaandkii waalidka fiican waa waalidka ay caruurtu wax kasta ugu sheekeeyaan iyo waxyaabaha ay soo arkeen maalin kasta maadaama qalbiga iyo dhagaha waalidku u furan yihiin taasi oo ay ku soo dhiiradaan iskuna soo haleeyaan. Halkaa waxaa ka soo baxaya fursad waalidiintu caruurta ku toosin karaan oo waa isha barbaarinta in xog la is waydaarsado halkaasi waa tuumbada waalidku marinaayo dhab-qanada wanaagsan kana digaayo hab-dhaqanada qaloocan fursadaasi waa in laga faaiidaystaa oo aan la dayicin lana dhayalsan.
Allaah dahirnaaye caruurta ha barakeeyo, hana ugu deeqo kuwa rajaynaya, haku arsaaqo ducadooda marka camalka waalidku dhamaado ee la geeriyooda
Diyaarintii: dagalka Hawaani; Eray tabintii iyo kaabidii: Axmed Cali Kaahin
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!