"María Corina Machado waa sixiroole sheydaan ah" Madaxweynaha Venezuela

0
Wednesday October 15, 2025 - 15:18:56 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "María Corina Machado waa sixiroole sheydaan ah" Madaxweynaha Venezuela

    War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda Venezuela,ayaan ka hadlin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda Venezuela,ayaan ka hadlin



Madaxweynaha Venezuela,ayaa ku tilmaamay haweenayda ah hoggaamiyaha mucaaridka dalkaas oo ku guulaysatay billada nabadda in ay tahay shixiroolay shaydaan ah.

Geesta kale Venezuela, ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay xidhayso safaaradeeda Oslo, maalmo kadib markii hogaamiyaha mucaaradka María Corina Machado la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda Venezuela,ayaan ka hadlin abaalmarinta Machado, iyadoo sheegtay in xidhitaankan uu qeyb ka yahay dib u habeyn lagu sameynayo adeeggeeda arrimaha dibedda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa xaqiijisay in Caracas ay xidhay safaaradeeda Oslo, iyadoo aan la sheegin sababta.

Guddiga Nobe ee magaalada Oslo ayaa ku abaalmariyay abaal-marintan Jimcihii waxa ay ugu yeedheen "shaqada hagar la’aanta ah ee ay ku horumarinayso xuquuqda dimuqraadiga ah ee dadka Venezuela”, halka hoggaamiyaha Venezuela Nicolás Maduro uu ku tilmaamay 58-jirka ku guuleystay abaal-marinta "sixiroole sheydaan”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa go’aankan ku tilmaantay mid laga xumaado.

"In kasta oo aan ku kala duwannahay arrimo dhowr ah, Norway waxa ay rejayneysaa in ay wadahad la furto Venezuela, waxaanay sii wadi doontaa inay ka shaqeyso jihadaas,” ayay tidhi afhayeen u hadashay wasaaradda.

Waxay intaas ku dartay in abaalmarinta Nobel Prize "ay ka madax bannaan tahay dawladda Norway”.

Caracas ayaa sidoo kale xidhay safaaradeeda Australia iyada oo furaysa xarumo cusub oo ku yaala Zimbabwe iyo Burkina Faso, kuwaas oo ay ugu yeedhay "saaxiibada istiraatiijiga ah ee dagaalka” ka dhanka ah "cadaadisyada kuwa isla weyn”.

Xidhitaanka safaaradaha Venezuela ee labada dal ee saaxiibada dhow la ah Mareykanka ayaa timid ka dib toddobaadyo ay xiisad adag ka taagneyd magaalada Caracas iyo Washington.


Loading...
Loading...