Dawladihii Galbeedkiyo,Dimuqraadinimadii,Dan Ka Gaadhiweyno,Dadku Way Ka Daaleen.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Daabacii Shaqaynwaaye,Durka Maydin Eegtaan,
Dawlada Nagu Hirdamayo,Dockastaba Dalkeeni,
Duulaanba Ka Soo Gaalay,Difaac Baan U Baahne.
Demdemloow Traamiyo,Taywaan Danteen Moog,
Dekedaydan Dunidaba,Dariiqoodii Noqotayeey,
Daneeyaan Dhamaantod,Ka Dilaalaayaan Rabin,
Dalkeenan Horumarkiiso,Dib Inoo Dhigaayoon,
Dawlad Aynu Noqoniyo,Doonahayn Aqoonsiga,
Dunidan Meelo Badanbu,Dabarkani Ku Xidhayo,
Deriskeenu Koow Yahay,Jabuuti Ha U Danbayse,
Doqonbu Dabkeed Ba'ay,Kama Durugto Qiiqee,
Daamankuun Bay Qaniinta,Debnaheda Madhisa,
Duqii Hora Wuxuu Yidhi,Dantu Seeto Weeyaan,
Ana Doorkan Maanta Ah,Digadaan Roganayaa,
Difaacaygu Waa Ruush,Iyo Daanta Reer Bariga.
Ku Darso Mid Kale Hoo,Duqana Ways Yaqaanan.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!