Maxay yihiin caadooyinka iga dhigi kara qof caqli badan iyo kuwa aan iga dhigi karin?

0
Tuesday October 14, 2025 - 17:41:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihiin caadooyinka iga dhigi kara qof caqli badan iyo kuwa aan iga dhigi karin?

    Caadooyinkan samee, si aad u noqotid qof garaad badan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caadooyinkan samee, si aad u noqotid qof garaad badan:

Garaad badnaanta waa hadiyad Alle bixiyo, laakiin waynu kobcin karnaa. Waxaa jira caadooyin kaa dhigi karo qof caqli badan oo ay tahay inaad samayso . Sidaa si la mid ah waxaa jira caadooyin ay tahay inaad joojiso, si aad u noqoto qof garaad badan.

Caadooyinkan samee, si aad u noqotid qof garaad badan:


1. Ciyaar ciyaaraha maanka dhisa ( play brain games)

Ciyaarahani si toos ah IQ-gaa u kordhin maayaan, laakiin dhabtii waxaa ay maankaaga ka dhigayaan mid firfircoon iyo laylyid badan, halkii aad daawan lahayd muuqbaahiyaha ( TV)

2. Wax badan baro.

Ka kordhi aqoontaada heerka ay hadda taagan tahay.
Toddobaadkii buug akhri.
Dhegayso dhiganayaasha dhegaysiga ah.
Inaad daawaato YouTube-yada waxyaabaha aqoonta leh lagu soo gudbiyo.

3. Ka bax aaggaaga raaxada ( get outside of your comfort zone)

Marka aad joogto meeshii aad mar walba joogi jirtay, weligaa heli maysid waaya-aragnimo cusub. Isku day inaad waxyaabo cusub ku tijaabiso naftaada, si aad awood ugu yeelato inaad aqoontaada ku dabaqdo, adiga adeegsanayo teb cusub! Ragga socodku waa u door, haddii mowdku daayo.

4. La-sheekeyso dadka garaadka badan.

La-sheekeyso dadka kaa garaadka, xigmadda iyo aqoonta badan. Inta badan waxay garanayaan wax annay badi dadku aqoon.

5. Samee wada hadal qotodheer.

Iska dhaaf hadallada caajiiska: "sidee tahay?" ... Yaa baddiyay Arsenal iyo Real Madrid?
Waydii waydiin wax-ku-ool ah sida: Maxay tahay ujeeddada noloshu? ..
Aragti noocee ah baa ka haysataa nolosha? Dadku marka hore way ka yaabi, laakiin waxay yaabi yaab farxadeed!

6. Noqo qof si fudud u farxa .

Farxaddu waxay wadataa tamar iyo dhiirrigelin , taasi oo kuu ogollaanaysa inaad si ka dhakhso badan oo ka qumman u meelmariso hawlahaaga , marka loo eego marka aad murugaysan tahay ama caajisan tahay.

7. Ka baaraandegga.

Waa kuwo aad uga warqaba waxa ka dhex socda maankooda, sidaa awgeed, waxa ay si fudud uga saaraan maskaxdooda fikirka taban , waxa ayna waqti badan diiradda saaraan wax u dan ah iyaga.

Ka rog oo haddana saar, hadda waxaa aynu usoo jeedsanay, caadooyinkan ay tahay inaad iska dayso, si aad u noqoto qof garaad badan, waana kuwan ugu soo socda ee aad ugu fiirso:

1. Eedaynta dadka kale.

u dambayntii, in aad adeegsato aqoonta aad leedahay ama aannad adeegsan waa mid adiga ku-khusaysa. Qof kale looma eedeyn karo xaaladda aad hadda ku sugan tahay.

2. Inaad ahaato mid aan falcelin lahayn.

Waxaad sugi kartaa dhammaan waxyaabaha aad rabto inay dhacaan, inta ay wax isbaddalayaan, laakiin dadka garaadka badani , had iyo goor waxa ay raadsadaan aqoon dheeraad ah, horumar iyo nolol ka fiican tan ay ku nool yihiin.

3. Inaad ahaato mid isla wayn oo caawimaad aan dadka waydiisan

Qofka kasdoorka ahi keligii ma shaqeeyo illeen far keliyi fool ma dhaqdo. Dhibaatada aad xallin kari laadahay, haddii annad gacan kale ku caawin, waxaa laga yaabaa inaad adigu qayb kasii noqo oo aad ugasii darto!
Waa inaad wax ka barataa dadka kaa caqliga badan, si aad adiguna si dhakhso ah u noqoto mid garashadu biya-dhigtay.

W/Q: Maxamed Haybe Axmed
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...