Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Hirgelisay Nidaamka Casriga ah ee Cashuuraha Iibka (GST)

0
Monday October 13, 2025 - 10:41:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Hirgelisay Nidaamka Casriga ah ee Cashuuraha Iibka (GST)

    Shirkii saddex-biloodlaha ahaa ee dib-u-eegista waxqabadka Kooxda Mashruuca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii saddex-biloodlaha ahaa ee dib-u-eegista waxqabadka Kooxda Mashruuca



Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay dhismaha nidaam canshuureed casri ah, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha dhaqaalaha ee qarnigan iyo hirgelinta isbeddel dhab ah oo lagu gaadhayo nidaam maaliyadeed oo casri ah, hufan, isla xisaabtan leh, kana turjumaya higsiga yoolalka horumarineed ee qrankan.

Shirkii saddex-biloodlaha ahaa ee dib-u-eegista waxqabadka Kooxda Mashruuca Hirgelinta iyo Casriyeynta Cashuuraha Iibka (GST Modernization Project) oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda, waxa uu ahaa marag-fur rasmi ah oo muujinaya sida Wasaaradda Maaliyadda ay uga go’an tahay horumarinta nidaamka cashuuraha, iyo weliba sida loo gaadhay guulo la taaban karo muddo kooban gudaheed.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdillaahi Xasan Aaden oo ay garab taagnaayeen Wasiiru-dawlaha iyo Agaasimaha Guud, ayaa shirkaasi si hufan u hoggaamiyey, iyagoo si mug leh diiradda u saaray qiimaynta heerka mashruuca GST-ga, caqabadaha jira, iyo istaraatiijiyadda lagu xoojinayo guulaha laga gaadhay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Mashruuca casriyeynta cashuuraha iibka (GST) wuxuu maanta u taagan yahay astaan qaran oo muujinaysa in Somaliland si dhab ah u qaadday waddadii ay ku gaadhi lahayd dhaqaale madax-bannaan. GST-ga ma aha oo keliya mashruuc xisaabeed ama tignoolajiyeed, waa halbeeg lagu cabbiri karo bisaylka iyo kartida maamul ee dawladnimo.

Horumarka laga sameeyey dhinacyada diiwaangelinta, tababarada ganacsatada, iyo tijaabooyinka tignoolajiyadeed ee ururinta cashuuraha, ayaa tusaale cad u ah in sida ay Wasaaraddu u dhistay nidaam dakhli oo sugan, cadaalad ku dhisan, isla markaana aan u nugleyn musuqmaasuq.

Sida lagu caddeeyey shirka GST, himilada Wasaaradda Maaliyadda waa mid muuqata oo leh aragti dheer oo ah in la dhiso dhaqaale waara oo aan ku tiirsaneyn deeqo ama kheyraad ku kooban, balse ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo wax-soo-saar joogto ah oo gudaha ah.

Waxaa kale oo lagu amaani karaa Wasaaradda in ay la jaanqaadday heerarka casriga ah ee nidaamyada cashuuraha ee caalamiga ah, iyadoo dhammaan dadaalladaasi lagu dhisay wacyigelin, wadatashi, iyo qorshayn ballaadhan oo lala yeeshay la-hawlgalayaasha gudaha iyo kuwa caalamka.


Loading...
Loading...